Home Afsomali Ukraine oo gubtay Markab Dagaal oo Ruushku leeyahay

Ukraine oo gubtay Markab Dagaal oo Ruushku leeyahay

Ukraine-Markab laga leeyahay Ruushka ayaa lagu burburiyay magaalo-dekadeedka la heysto ee Berdyansk, iyadoo labo doomood oo kalena ay waxyeello ka soo gaartay, sida ay sheegeen saraakiisha Ukraine.

Militarig Ukraine ayaa subaxnimadii saakay soo dhigay muuqaalka waxayna sheegeen in markabka Orsk ay weerareen ciidamadooda.

Faahfaahin ku saabsan waxa sababay qaraxa iyo dabka ka kacay markabka lama oga.

Berdyansk, oo ku talla galbeedka dekadda go’doonsan ee Mariupol, ayaa lala wareegay afar maalin kahor kaddib markii Ruushku uu ku duulay Ukraine.

Ruushka ayaa sheegay in dekadda uu u adeegsaday saldhig ahaan si qalabka loogu qaado ciidamadiisa.

Telefishinka ciidamada Ruushka ayaa toddobaadkii hore ammaanay tegitaanka Orsk ee Berdyansk maaddaama uu ahaa markabkii dagaal ee ugu horreeyay ee Ruushku leeyahay ee halkaasi gaadha.

Muuqaal uu kor ka duubay weriye ka tirsan telefishinka dowladda Ruushka ee Murad Gazdiev ayaa muujinaya gawaarida gaashaaman oo laga dejinayo markabka Orsk oo dekadda ku sugnaa. Gawaarida qafilan ayaa loo adeegsan lahaa xoojinta ciidamada Ruushka, sida uu baahiyay weriyaha.

Muuqaal ay baraha bulshada soo dhigeen ciidamada badda ayaa muujinaya qaraxyo iyo markab weyn oo uu dekadda dab ku qabsaday abbaaro 07:00 (05:00GMT) maanta.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhigga Hanna Malyar ayaa telefishin laga leeyahay Ukraine u sheegtay in militarigu uu weeraray markab weyn oo awooda inuu qaado 20 taangi, 45 gawaarida qafilan ah iyo 400 oo ciidan.

BBC-du si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashadaas. Horraantii toddobadkan, Gazdiev, oo u shaqeysa warbaahinta uu Ruushku taageero ee RT, ayaa ku warramay in gantaallada Ukraine ay marar badan beegsadeen dekadda Berdyansk, gantaal walbana ay ka hortageen ciidamada difaaca cirka ee Ruushka.

Berdyansk waa meel istaraatiiji u ah Ruushka, iyadoo u dhaxeysa Crimea iyo magaalada go’doonsan ee Mariupol, oo 80km (50 meyl) u jirta bariga, halkaas oo qiyaastii 100,000 oo qof ay ku xayiran yihiin una nugul yihiin duqeymaha Ruushka.

Dadkaas qaarkood oo ku guuleystay inay ka baxsadaan Mariupol ayaa yimid Berdyansk iyadoo ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine uu sheegay in dhulka la soo marsiin doono lana geyn doono magaalada Zaporizhzhia.

Qabsashada magaalooyinka Berdyansk iyo Melitopol waxay qeyb ka tahay damaca Ruushka ee uu buundo dhulka ah uga sameynayo gacanka Crimea ilaa xadka Ruushka, iyo sidoo kale in marin loo sameeyo dhanka Zaporizhzhia.

Dadka deggan ayaa dhigay dibadbaxyo ka dhan ah qabsashada Ruushka ee Berdyansk, isla markaana muuqaal toddobaadkan lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya militariga oo garaacaya dadka iyagoo isku dayaya inay kala cayriyaan.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in weerarka Orsk uu astaan gaar ah leeyahay, iyagoo sheegay in laga yaabo inuu ka qeyb qaatay qabsashadii hore ee Crimea sanadkii 2014, iyagoo farta ku fiiqaya abaalmarinta la guddoonsiiyay kabtanka markabka iyo shaqaalihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.