Home Afsomali Ukraine oo ka carootay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska

Ukraine oo ka carootay hadal ka soo yeeray madaxweynaha Faransiiska

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa si kulul ugu jawaabay madaxweynaha waddanka Faransiiska Emmanuel Macron kaddib markii uu sheegay inay muhiim aheyd in Ruushka aanan lagu bahdilin duullanka uu soo qaaday.

Mr Macron ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Madaxweyne Vladimir Putin uu heli karo waddo uu uga bixi karo waxa uu ugu yeeray “khalad asaasi ah” oo uu galay.

Hasayeeshee Dmytro Kuleba ayaa sheegay in xulafada dalkiisa ay tahay “inay si wanaagsan diiradda u saaraan sidii Ruushka halka uu mudan yahay loo dhigi lahaa” maadaama “isagu uu isbahdilayo”.

Mr Macron ayaa si joogta ah khadka taleefanka waxa uu kula hadlaa Mr Putin, arrintaas oo qeyb ka ah dedaal uu isagu garwadeen ka yahay oo la doonayo in xabadda lagu joojiyo wadahadalna lagu furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.