Home Afsomali Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nabadeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami

Ukraine oo ku baaqday Shirweyne Nabadeed iyo inay Raashiya wajahdo Maxkamad Caalami

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ukraine,  Dmitry Kuleba ayaa soo bandhigay Codsiga ku aadan in Shirweynahaasi la qabto dhamaadka bisha February ee sanadka soo socda, oo ku beegan Sanad-guuradii 1-aad duullaankii Raashiya ee dalkaasi.

Wareysi uu Dmitry Kuleba shalay siiyey Wakaallada Wararka Maraykanka ee AP waxa uu ku baaqay inuu Xoghayaha Guud ee QM,  Antonio Guterres dhexdhexaadiye  ka noqdo Shirka Nabadda ee Colaada Ukraine.

Waxa uu intaasi ku daray inuu isagu xaqiiqsaday inuu Guterres yahay Dhexdhexaadiye Hufan, Daacad ah, soona dhaweynayo inuu ka soo qeyb galo Shirka Nabadda ee Ukraine.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Ukraine waxa uu soo bandhigay Shuruudo uu  dalkiisa ku xiray  in Dowladda Raashiya lagu casuumo Shirkaasi, isagoo xusay inay Raashiya wajahdo  Maxkamad Caalami ah (An International Court), waa sida uu Hadalka u dhigay.

Wasiir Kuleba waxa uu laalay Baaqii uu Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin ee Wada-xaajoodyo lagu dhameeyo Colaadda Ukraine, isagoo xusay in Dagaalka Raashiya ku hayso dalkiisa ay caddayn u tahay inaysan Moscow doonayn Wada-hadal.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu dalkiisa samayn doono wax kasta si ay ugu guuleystaan  Dagaalka socda sanadka soo socda ee 2023-ka, waa sida uu Hadalka u yiri.

“Dagaal kasta waxa uu ku dhamaadaa Dariiq Diplomasiyadeed “A diplomatic way”, iyo inuu Dagaal kasta ku dhamaado Natiijada Goobaha Dagaalka ama Miiska Wada-xaajoodka” ayuu yiri Wasiirka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.