Home Afsomali Ukraine oo ku baaqday wadahadal nabadeed oo degdeg ah

Ukraine oo ku baaqday wadahadal nabadeed oo degdeg ah

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa maanta ku baaqay wadahadal nabadeed oo macno leh oo si degdeg ah loola yeesho Moscow.

Waxa uu sheegay in ay tahay fursada kaliya ee uu Ruushka ku xadidi karo waxyeelada ka dhalan karta duulaankiisa gardaradda ah.

“Waa waqtigii la kulmi lahaa, waa waqtigii la hadli lahaa, waa waqtigii dib loo soo celin lahaa sharafta dhuleed iyo caddaaladda Ukraine” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Haddii kale, khasaaraha Ruushku wuxuu noqon doonaa mid loo baahan doona dhowr jiil si looga soo kabsado.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.