Home Afsomali Ukraine oo ku weerarrtay Ruushka diyaarado horey loogu sii qariyay gudaha dalkaas

Ukraine oo ku weerarrtay Ruushka diyaarado horey loogu sii qariyay gudaha dalkaas

Ukraine ayaa sheegtay in uu guul ku soo idlaaday weerarkii ugu ballaarnaa, uguna masaafada fogaa ee ay ka fuliso gudaha Ruushka tan iyo markii uu billowday duullaanka lagu soo qaaday dalkeeda, ka dib markii ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku duqeysay 4 saldhig militari oo Ruushku leeyahay.

Madaxweyne Volodymyr Zelensky ayaa ku faanay in weerarkan oo loo adeegsaday 117 diyaaradood oo duuliye la’aan ah lala beegsaday saldhigyo ciidamada cirka Ruushku leeyihiin, halkaas oo lagu burburiyey illaa 40 diyaaradood oo kuwa meelaha gof wax ka duqeeya ah.

Mr. Zelensky oo sii hadlayey ayaa intaas ku daray in hawlgalkan oo la magac baxay ‘Xuubka Caarada’ ay si qarsoodi ah u fuliyeen ciidamada sirdoonka Ukraine ee SBU, kuwaas oo burburiyey “34% diyaaradihii walwaali jirey gantaallaha ridada dheer ee Ruushka ee loo yaqaan “strategic cruise missile”.

Ilo ku dhow hoggaanka SBU ayaa goor sii horreysey warqabadka caalamku sheegay in diyaarinta weerarkan uu qaatay hal sano iyo bar, iyadoo diyaaradaha drone-ka loo yaqaan oo lagu cabbeeyey sanaadiiq alwaax ka sameysan si dhuumaaleysi ah loo geliyey gudaha Ruushka, ka dibna lagu qariyey goobo ka ag dhow bartilmaameedka oo ah saldhigyada laga soo qaado weerarrada cirka, ka hor intii aan “goortii ku habooneyd oodda looga qaadin yoolkii la sii qorsheeyey”.

Ruushka ayaa dhankiisa qirtay weerarrada Ukraine ay la beegsatay 5 gobol oo dalkaas ah, ku waas oo ay ugu yeereen “falal argagixiso”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.