Home Afsomali Umadaha midoobay oo somaliya ka caawinaya abaaraha iyo colaadaha isbiirsaday (DAAWO SAWIRADA)

Umadaha midoobay oo somaliya ka caawinaya abaaraha iyo colaadaha isbiirsaday (DAAWO SAWIRADA)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres.

Madaxweynaha iyo Xoghaya Guud ee QM ayaa ka wada hadlay arrimaha abaaraha iyo amniga, waxayna si wada jir ah baaq ugu direen Beesha Caalamka, si gurmad degdeg ah loo gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaartu ku habsatay.

“Waxaan aad ugu faraxanahay in halkan uu inoogu yimaado Xohayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres, si uu adduunka u tuso dhibaatada xoogga leh ee maanta na haysata. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay arrimaha amniga dalka.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo si wadajir ah shir jaraaid ula qabtay Mudane Guterres.

Mudane Guterres ayaa dhankiisa ballan qaaday in beesha caalamka ay diyaar u tahay in ay Soomaaliya garab istaagto xilligan si looga fogaado xaalad macaluul, waxaana uu sheegay in ay jiraan fursado looga hortagi karo wixii dhacay sanadkii 2011.

Ugu dambeyntii, Xoghayaga Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guterres ayaa u gudbay magaalada Baydhaba si ay QM qiimeyn ugu soo sameeyaan xaaladda abaaraha ee gobolkaas oo kamid ah meelaha ugu daran ee ay abaaruhu ku dhufteen.

IMG 2560
IMG 2561
IMG 2562
IMG 2563
IMG 2564
IMG 2565
IMG 2566

                                                        -Dhammaan-

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.