Home Afsomali Ummadaha Midoobay Oo Baarlamaanka Somalia Ka Dalbatay Ansixinta Hindise Sharciyeed

Ummadaha Midoobay Oo Baarlamaanka Somalia Ka Dalbatay Ansixinta Hindise Sharciyeed

Iyadoo ay billaabanayaan 16ka maalmood ee caalamiga ah ee u hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqday in la Laballaabo dadaallada looga hortagayo waxna looga qabanayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

“Dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka socda Soomaaliya waxay barakiciyeen dad badan waxayna haweenka iyo gabdhahu geliyeen khatar weyn oo rabshado wadata oo ay ku jiraan tacaddiyada jinsiga. Xadgudubyada jinsiga ku saleysan iyo xadgudubyada jinsiga ee la xiriira colaadaha waxay si ba’an u saameeyaan xaqa nolosha, hab-nololeedka iyo sharafta haweenka iyo gabdhaha,” ayay tiri Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

“In gargaarka bani’aadantinimo laga dhigo mid ay u wada dhanyihiin lab-iyo-dheddig iyo in haweenka iyo gabdhaha loo abuuro jawi nabdoon ayaa ah arrin aad muhiim u ah,” ayay raacisay Marwo Gbeho.

Halkudhigga ololaha sanadkan oo ah – ‘U Midooba! U Hawlgelidda Lagu Cirib-tirayo Xadgudubka Ka-dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha!’ – ayaa muujinaya baahida degdega ah ee loo qabo in la is bahaysto oo laga hortago xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Ciribtirka takoorka dhan kasta, oo u uku jiro kan jinsiga, ayaa ku qeexan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay 2012kii. Bahda Qaramada Midoobay ee waxay ku boorinaysaa Baarlamaanka in uu ansixiyo Hindise Sharciyeedka Xadgudubyada jinsiga (2018), kaas oo si weyn u ilaalin doona dhibanayaasha xadgudubyada jinsiga ee dalka oo dhan.

“Inta lagu guda jiro ololaha 16-ka Maalmood ah, QM waxa ay ku garab istaagi doontaa dowladda Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah arrimaha u qareemidda iyo wacyigelinta si wax looga qabto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.