Home Afsomali Ummadaha  Midoobay UN ka oo digniin ka soo saartay Xaalada adag ee...

Ummadaha  Midoobay UN ka oo digniin ka soo saartay Xaalada adag ee Ukraine

Madaxa hay’adda cunnada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in dagaalka ka socda Ukraine uu abuuray waxa uu ugu yeereay “masiibo ka kor dhalatay masiibo kale”, taas oo uu ku sheegay inay yeelan doontaa saameyn caalami ah, oo aan la arag kadib dagaalkii labaad ee Adduunka.

David Beasley, ayaa sababta raashinka adduunku u qaaliyoobay ku sheegay inay tahay in beeraleyda Ukraine oo soo saari jiray inta badan wax soo saarka beeraha ay hadda dagaal kula jiraan Ruushka, wuxuuna u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dagaalka kahor qiimaha cunnada uu sare u kacay.

Barnaamijka cuntada adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa quudinaysay 125 milyan oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala nool kahor intii aanu Ruushku duullaan ku qaadin Ukraine 24-kii February, waxaana Beasley uu sheegay in Qaramada Midoobay ay ku qasbanaatay in ay jarto cuntada ay bixiso sababo la xiriira kor u kaca kharashka cuntada, shidaalka iyo maraakiibta.

Waxa uu tilmaamay in Yemen oo ay dagaalladu aafeeyeen in cuntada laga jaray 50% oo ka mid ah 8 milyan oo qof oo y quudin jireen, wuxuuna intaas ku daray in keydkooda raashinka uu sagxadda ku dhow yahay.

Beasley wuxuu sheegay in dagaalka ka socda Ukraine uu u beddelayo dambiisha rootiga ee adduunka safar loogu jiro rootiga oo ay malaayiinta qofood ku tiirisan yihiin, iyadoo dagaalkan uu burburiyay waddamo ay ka mid yihiin Masar oo 85% qamadiga ka heli jirtay Ukraine iyo Lubnaan oo iyana ha heli jirtay 81%.

Ukraine iyo Ruushka ayaa soo saara 30% sarreenka adduunka iyo 20% galleydeeda, iyada oo Hay’adda Cunnada Adduunka ay 50% galleyda ka iibsato Ukraine, sida uu sheegay David Beasley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.