Home Afsomali UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibedda

UPU oo Soomaaliya ka caawineysa ammaanka boostada dibedda

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada ayaa heshiis la saxiixatay Midowga Boostada Adduunka (UPU), kaas oo dalkeena looga caawinayo sidii loo sugi lahaa ammaanka boostada dalka dibeddiisa u baxaysa.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland ayaa waxaa labada dhinac u kala saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Md. Eng Cabdi Cashur Xasan iyo Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar Xuseen. Ujeeddada heshiiskan ayaa ah sidii loo dhisi lahaa awoodda boostada ee dhinaca ammaanka, iyada oo laga taageerayo qalabka, tababarka iyo dajinta siyaasado iyo istaraatiijiyado lagu sugayo ammaanka boostada ka baxaysa dalka, waxaana mashruucan maalgelinaysa Dawladda Japan.

Mashruucan ayaa imanaya iyada oo uu gabagabo marayo qorshaha ay Boostadeenu ku billaabeyso inay dalka dibeddiisa wax u dirto markii ugu horreysay tan iyo 1991-kii, markaas oo adeeggii boostada uu burburay, iyada oo iminka ay gabagabo marayaan diyaarinta siyaasadiha iyo habraacyada, tababarka shaqaalaha, diyaarinta agabka sida tikidhada (farangaboolooyinka), xaruntii boostada ee garoonka Muqdisho, xiriirka diyaaradaha, iwm.

“Mashruucan wuxuu ku soo aaday xilli muhiim ah oo aan isku diyaarineyno inaan billowno boostada dibedda. In boostada dibedda loo diro waa shaqo aad u adag oo u baahan inaad buuxiso shuruudo badan, oo lama mid aha marka boostada imanayso oo aad ku qeybin karto hal meel,” ayuu yiri wasiirka oo si gaar ah u xusay in mashruucan ka mid yahay waxyaabaha loo soo fasaxay wasaaradda ka dib markii ay sanadkii 2019-kii dib u soo ceshatay xubinnimada buuxda ee Ururka, taas oo u xannibneyd bixin la’aanta qaaraanka UPU tan iyo 1983-dii.

“Waxa aan u mahadcelinayaa Maamulka sare ee UPU, gaar ahaan Danjire Bishaar, oo nagala shaqeeyay mashruucan iyo kuwii ka horreeyay ee lagu soo nooleynayay boostada dalka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Dhinaca kale Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya shirka heerka sare ee horumarinta adeegyada boostada adduunka, kaas oo maanta ka furmay xarunta dhexe ee UPU ee caasimadda dalka Switzerland. Shirkan ayaa looga hadlayaa baahida loo qabo isbeddello lagu sameeyo qaabka ay u shaqeyso UPU, xilli horumar weyn laga gaaray arrimaha teknolojiyada, ayna soo baxeen boostooyin gaar loo leeyahay, kuwaas oo hoos u dhigay qaar ka mid ah adeegyadii ay boostadu qaban jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.