Home Afsomali -Urrurada Saxaafadda & Madaxda Warbaahinta oo walaac ka muujiyay xariga Xoghayaha SJS

-Urrurada Saxaafadda & Madaxda Warbaahinta oo walaac ka muujiyay xariga Xoghayaha SJS

Xilli shalay gabal dhicii ciidamada ka tirsan ha’yada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee  NISA ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo xireen xoghayaha Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed Cabdalla Axmed Muumin ayaa waxaa si adag walaac kaga muujiyay madaxda warbaaahinta madaxa banaan iyo ururada u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Muqdisho Urrurada Saxaafadda & Madaxda Warbaahinta Madaxa bannaan ayaa waxaa ay si adag u cambaareyeen falka xariga ee lagula kacay Cabdalla Ahmed Muumin oo ah hugaamiye u dooda xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn waxaaa goobta ka hadlay Maxamed Cabdiwahaaab oo ka mida masuuliyiinta Sar sare ee Ururka Saxafiyiinta Somaaliyeed ee SOMA waxa uuna sheegay inay si adag kaga soo hoorjeedaaan xariga sharci darada ah ee loo geystay xogahayaha SJS, ayna ka wel welsanyihiin badqabkiisa waxa uuna ugu baaqay madaxda dowlada in si sharuud la’aan u soo daayaaan oo ay xuriyadiisa dib u siiyaaan.

Sidoo Kale Hanad Cali Guud oo ah xoghaayaha tababarada SJS ayaa dhankiisa si adag u cambaarreyay falka lagu xeray Cabdalla Axmed muumun waxa uun ka dalbaday madaxda dowlada  inay joojiyaaan caburinta iyo caga jugleynta ay ku bilaaabeeen warbaahinta madaxa babnaan, waxa uuna tilmaamay in wasaarada warfaafinta ay dhibaaato ku heyso saxafiyiinta Kuna baaqay in labaa bi’iyo.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan yuusuf Alcadaala ayaa Sabtidii todobaadkaan soo saaray Ammaro mandahal oo ku socda Warbaahinta Madaxa bannaan, taas oo danta laga leeyahay ay tahay in la caburiyo Wariyeyaasha iyo Warbaahinta Madaxa bannaan ee ka howlgalla dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.