Home Afsomali Urur Goboleedka IGAD OO War kasoo saaray xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood

Urur Goboleedka IGAD OO War kasoo saaray xaaladda ka taagan Magaalada Laascaanood

Urur goboleedka IGAD oo ka warbixinayay xaaladda Gobolka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

“Xiisadda Laascaanood waxay noqotay arrin walaaceeda leh oo horseeday inay tiro dad ah ay ku dhinteen halka khasaare kalena uu ka dhashay” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay IGAD.

Ururkan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland ay ku howlan tahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa xiisadda.

IGAD ayaa sidoo kale u mahadcelisay in dadaallada nabadeed ee uu sameeyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ee ku aadan joojinta colaadda Laascaanood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.