Home Afsomali valadamiin Puntin oo sheegay in Africa Tahay Qabuuraha Africaanka taliye sirdoon oo...

valadamiin Puntin oo sheegay in Africa Tahay Qabuuraha Africaanka taliye sirdoon oo geeriyooday sababta sii aqri

Marka Qof Africaan ah uu Noqdo maalqabeen waxaa uu accoun bangi ka furtaa Switzerland caafimaad ayuu u aadaa France Jarmalka ayaa gaalgashi ku samayestaa Dubai ayuu wax ka soo IIbsadaa waxaa uu cunaa Cuntooyin laga keeno cheiuna iyo wada fogfog oo kale wuxuu ku cibaadeystaa maka ama rooma

caruurtiisu waxaa ay wax ku bartaan yurub isaguna wuxuu dalxiis ku tagaa canada maraykanka iyo yurub

marka uu dhinto waxaa lagu aasaa dalkiisa marka sidee qabuuro loo hormarin karaa ayuu is weydiiyey

Dhanka kale Taliyihii sirdoonka milatariga Ruushka oo geeriyooday

Jeneraal Igor Korobov Taliyihii sirdoonka milatariga Ruushka  ayaa geeriyooday isaga oo 62 jir ah, sida ay shaacisay wasaaradda Difaaca ee dalka Ruushka.

Madaxweynaha ruushka ayaa u Magacaabay xilka  sannadkii 2016, waxaana la sheegay in uu Arbacadii u geeriyooday xannuun daran oo wakhti dheer soo hayay.

Sirdoonka milatariga Ruushka oo magaciisa loo soo gaabiyo GRU ayaa lala xiriiriyay weerarkii kiimikada neerfaha waxyeesha loo adeegsaday ee ka dhacay Britain kaas oo lagu bartilmaameedsaday Sergei Skripal oo horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.

Jeneraal Igor ayaa la fahamsan yahay in uu dhaleecayn kala kulmay masuuliyiinta Ruushka isagoo loo haystay in hawlgalkaasi uu fashilmay.

Weerarka 4 bishii Maarso lagu qaaday Skripal oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah ayaa horseeday in isbitaal lagu dabiibo toddobaadyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.