Home Afsomali VEDIO Afhayeenka Gudiga gaadiileyda dakada Muqdisho oo faahfaahiyey Musuqa dakada ka...

VEDIO Afhayeenka Gudiga gaadiileyda dakada Muqdisho oo faahfaahiyey Musuqa dakada ka jira Madaxda Dowladana ugu Baaqay in ay wax ka qabtaan

Cabdulaahi Cali faarax waxa uu xubin ka yahay urur udhaq dhaqaaqa xuquuqda wadayaasha gaadiidka Xamuulka qaada ee ka shaqeeya dakada Weyn ee Magaalada Muqdisho,ayaa sheegay in dhibaatooyin badan lagu hayo wadayaasha Gaadiika dakada Xamuulka ka soo qaaday asga sidoo kale xusay in cadaalad daro baahsan ay hlkaasi jirto

C/laahi oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in arimahan Musuq maasuqa ay ka dambeeyaan Xubno uu sheegay inuu ku jiro Maareeyaha dakada Weyn ee Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale C/laahi cali faarax ayaa daboolka ka qaaday in dhibaatooyin badan loo geystay raga wada Xamuulka gaadiidka Xamuulka ee gala dakada WWaxa uuna intaasi hadalkiisa uu ku daray in qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka dhoor mar laga hor istaagay shaqadoodii.

Ilaa iyo hada Maamulka dakada kama uusan hadlin eedeymahan salka ku haya inay dhibaatooyin Culus ku hayaan raga wada gaadiidka Xamuulka qaada iyo in qaar ka mid ah ay ka hor istaageen shaqadoodii islamarkaana si qaab jecleysi ah dakada looga sii daayo gaadiid qaar oo aan laga qaadin Wax Canshuur ah.

Hoos ka Dhageyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.