Home Afsomali VIDEO 9 kaluumeysato iyo 3 doon oo lagu la.yahay xeebaha ku teedsan...

VIDEO 9 kaluumeysato iyo 3 doon oo lagu la.yahay xeebaha ku teedsan Magaalada Muqdisho

Qaar ka mid kaluumeysatada ka jilaabatada xeebaha ku teedsan magalada muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay jariifka iyo kaluumeysiga sharci darada ay ka wadaan maraakibta shisheeye ee ku sugan xeebaha dalka somaliya iyo gudaha badweynta hindiya

kaluumeysatadan oo ku sugan xeebta ku teedsan muqdisho ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan madaama muddo ka yar labo bilood ay waayeen sedex doon iyo sagaal ruux oo isugu jira naaquudiyal farsamnayaqaano iyo kaluumeysato shaqalo iyo milkilayaal ka ahaa  doomahii ee ku kalumeysanayeen ee ka shaqeysanayay xeebaha koofureed ee dalka somaliya.

sagaalkan ruux ee la la.yahay ayaa war loo heyn halkii raq iyo ruux ay ku dambeeyeen sida ay sheegeen qaar ika mid ah kaluumeysatada oo wareesi gaar siiyay tvga eryal xaruntiisa magalada muqdisho waxayna masuuliyiinta dowlada ay ugu baaqeen in baaritaano dheeri ah lagu sameeyo si loo helo nolol ama geeri

xeebaha soomaliya ayaa waxaa usoo shaqa tagay maraakiib badan oo xaalufin iyo  jariif qiil looga dhiganayo ladagaalanka burcad badeedka ka wada xeebaha badweynta hindiya kuwaasi oo kalumeysatada si ay doonaan ka yeela.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.