Home Afsomali VIDEO Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex

VIDEO Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex

Warar goor dhaw soo baxay ayaa sheegaya in Alle ha u naxariisteen waxaa magaalada Hyderabad ee dalka India ku geeriyooday Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex oo ka mid ah Abwaanada Soomaaliyeed ee sida weyn uga caan baxay geyiga Soomaaliya

Abwaanka oo in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Hargeysa ayaa daaweyn caafimaad loo geeyay dalka India oo ay ka shaqeysay safarkiisa dowladda Soomaaliya, waxaana uu ugu danbeyntii u geeriyooday xannuun in muddo ahba uu la il darnaa.

Allaha u naxaristee Abwaan Cabdulaahi Xirsi Baarlerex ayaa caan ku ahaa suugaanta gaar ahaan dhaantada tirinteeda iyo ciyaarteeda, waxa uuna ahaa abwaan si weyn sare ugu qaadayay dhaqanka Umada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.