Home Afsomali VIDEO Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo dib u soo laabtay muddo 22...

VIDEO Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo dib u soo laabtay muddo 22 cisho kaddib

Waxaa goor dhow dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo 22 cisho ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Adeega Internet-ka.

Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa goor dhow dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 25-kii bishii hore.

Mid ka mid ah Shaqaalaha Shirkaddaha Isgaarsiinta ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com inuu dib u soo laabtay Internet-ka 4G iyo Internet-ka kale ee guryaha la geliyo ee Fiilada ah.

Baraha bulshada ayaa dad badan waxay soo dhigeen Hambalyo ku aadan in Internet-kii uu dib u soo laabtay.

Markab ku howlanaa cilad bixinta iyo sameynta xargihii Fibre Optic ee go’ay ayaa la sheegay inuu xalay soo afjaray saddex maalmood oo uu ku howlanaa.

Habeenkii ay taariikhda ku beegneyd 24 June ayaa Internet-ka ka go’ay Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, kaddib markii Markab ku soo xiranayay Dekeda la sheegay inuu jaray Xargihii Fibre Optic.

Mudadii 20-ka cisho ee uu go’naa Internetka waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo uu saameyn ballaaran ku yeeshay, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada xawaaladeed ee dalka.

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay goor dhow war ka soo saarto Internet-ka hawada dib ugu soo laabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.