Al Shabaab, ayaa weerar ay ka gaysteen Gobolka Xeebta Kenya waxay ku dileen ugu yaraan Saddex qof, iyagoona gubay dhawr guri.
Gudoomiyaha Degmada Lamu, Gilbert Kitiyo, ayaa sheegay in weerarkaasi uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay xaafadda Maleli, oo ku dhow Deegaanka Witu.
Gudoomiyaha, ayaa intaa ku daray in sidoo kale ay Shabaabku dab qabadsiiyeen tiro guryo ah, ka hor intii ayna ka baxsan xaafadda Maleli, sida uu yiri.
Gilbert Kitiyo, Gudoomiyaha Degmada Lamu oo la hadlay Warbaahinta, ayaa tibaaxay in saakay ay Saraakiil iyo ciidan boolis ahba u direen goobta ay dhibaatadu ka dhacday.
Dadka deegaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay in Saddexda qof ee la dilay ay rag yihiin. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Shabaabku ay iska dhaafayeen dumarka iyo carruurta.
Gilbert Kitiyo, ayaa tallaabada lagu beegsanayo ragga waxaa uu ku macneeyay mid ay Shabaabku ku niyad jebinayan haweenka iyo dhallaanka.
Waa weerarkii labaad oo toddobaadkan ay Shabaabku ka gaysaan dalka Kenya, Gelinkii dambe ee Talaadadii, ayay ahayd markii shan askari ay ku dileen wadada xiriirisa Lamu iyo Garissa, ka dib markii ay saban/baasuuke la helleen gaari Cabdi Bille ahaa, oo askartaasi ay la socotay.
MOMBASA, Kenya: Suspected members of Somalia’s Al-Shabaab Islamist group beheaded at least three men overnight in an attack on a Kenyan village, authorities said on Friday, a month after nine were killed in a similar way nearby.
“They were slaughtered. Their heads were cut off from the rest of their bodies,” said a police source, asking not to be named.
Police said four bodies had been found at Maleli village in Kenya’s coastal county of Lamu. Area county commissioner Gilbert Kitiyo said he was aware of three deaths.
“A group of armed suspects raided and killed three locals. All the three were men,” Kitiyo told Reuters by phone, adding the suspects set houses ablaze before disappearing into a nearby forest.
“We cannot speculate, but from previous attacks, the nature and style of this attack can only be associated with these Al-Shabaab criminals.”
In July suspected Al-Shabaab attackers fighters beheaded nine men in villages near Maleli, and killed three police officers in another attack in the area.
The Al-Qaeda-linked group aims to overthrow Somalia’s U.N.-backed government and impose its own strict interpretation of Islam. They have intensified attacks in Kenya since it sent troops into Somalia in 2011.
They have also claimed responsibility for a series of cross-border attacks in recent months, including a spate of roadside bombings targeting security forces.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view