Xili xaalado adag oo dhinaca waxbarashada ah ay kataagantahay gudaha dalka soomaaliya ayna jiraan dad aan lexaadkooda dhameen hadana daruufaha adag wax kubaranaya ayaa waxa ay somalisan booqatay mid kamida ah iskuulaadka ku yaal magaalada muqdisho oo ardadiisu ay u fadhiyeen imtixaanka kama dambeyska ee dugsiyada hoose dhexe iyo sare kaasi oo magaciisu layiraahdo al masal madiina
Iskuulkani hoose dhexe iyo sare ee al masal madiina ayaa intii somalisan uu kusugnaa waxa uu ku soo arkay arday kala duwan oo qaarkood xubnahoodu dhameestirneen
aan ku hormaro ayaan maxamed axmad macalin abshiroow waa gabar da yar oo indha la waxa aan fasalka ugu galay iyadoo imtixaan looga qaadayey
Kadib ayaan waxa ay iiga sheekeesay qaabkii ay wax kusoo baratay iyo dareenkeedu sida uu yahay iyadoo kalsooni ku qabka nafteeda ku macneesay ayaan in ay la tartami karto dadka kale ee aragooda qaba iyada ka duwan
Dhinaca kale xasan cawil ibraahim oo isna naafo ka ah labada adin ayaa qeyb ka ahaa ardadii imtixaanka kama dameyska aahayd ee iskuulka al masala madiina galayay waxa uu xusay uu daruuf adag uu wax kusoo baraty
Xasan oo ay ka muuqaneysay murogo ku aadan cida ka bixin doonta qarashaadka uu ku dhigan doono jaamacada maadaamaa iskuulka si farii oo lacag la aan ah uu uga baxay iskuulka hoose dhexe sare ee al masal waxaase uu baaq udiray dowlada federaalka iyo dhamaan umadda soomaaliyeed gaar ahaan wasiirka wasaarada waxbarashada xukuumada federaalka soomaaliya cabdulaahi goodax barre kaa oo ku wajahnaa in ay il gooni ah kusoo eegaan
Ugu dabeen nuur cabdi cali maamulaha guud ee iskuulka al mazal ayaa shaaca ka qaaday in si lacag la aan ah uu ardaydani ku qaabilay islamarkaana uu wax kusoo baray balse bulshada waxa uu ubandhigay in haatan iyo waxii kabilawda ay iyaguna kaalintoodu ay ka qaatan gacan siinta ayaan maxamad axmad iyo xasan cawil ibraahim oo sida idin muuqaneysa ah da yar aan lexaadkooda dhameestirneyn una baahan in laga taakuleeyo dhanka waxbarashada
Isku soo wada duub ganacasatada ku dhaqandalka iyo dowlada soomaaaliya ayaa ah kuwa arka xaaladaha ruuxa dhibanaha ah inkastoo ay yartahay ka jawaab celintooda gacanta lasocoto hadal marka laga yimaado