Home Afsomali VIDEO Bulshada Somaliyeed ayaa ku kala aragti duwanaaday soo laabashada madaxweyne Xasan...

VIDEO Bulshada Somaliyeed ayaa ku kala aragti duwanaaday soo laabashada madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud kuwaa oo soo kala bandhigay dhaliil ay Madaxweynaha u jeedinayeen halka qaarkood ay waxqabadkiisii amaanayn

 

Madaxweynihii hore ee Somaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo Muqdisho soo gaaray ayaa waxaa  garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhaanao ka socday labada gole ee baarlamaanka iyo marti sharef kale oo ka qeybgalay soo dhaweynta loo sameeyey Madaxweynihii hore ee dalka

Munaasida  ay ka qeybgakeen wasiiro ugaasyo madaxda dhaqanka  iyo waxgarad kale ayey  si isku mid ah u sheegay in ay ku faraxsan yihiin soo laabashada madaxweyne Xasan Sheikh maxamuud

ugu Danbeytiina Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud ayaa u mahadceliyey dadkii ka qeybqaatay soo dhaweyntiisa  wuxuuna xusay in ujeedka socdaalkiisu yahay qiimeynta xaalada guud ee dalka Bulshada Somaliyeed ayaa ku kala aragti duwan soo laabashada madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud oo 18 bilood ka dib Muqdisho ku soo laabtay  kuwaas oo soo kala bandhigay dhaliil ay Madaxweynaha u jeediyeen halka qaarkood ay waxqabadkiisii amaanay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.