Buraanbur “farmaajo wax badan ha maqnaado malagii ku dili lahaa iyo fariinta dumarka soomaaliyeed
Muqdisho Shirweyne ay isugu yimaadeen Gabadho ka kala socday qeybaha kala duwan ee ururada haweenka ayaa taageer xiil iyo hooba leh umuujiyey Madaxweyaha dalka Maxamed Cabdulaahi farmaajo .
Kulanka ayaa waxaa iskuugu yimid haween mug iyo misaan cuslus ku leh kuwaas oo hadalo qiiro wadaniyadeed ku dheehan tahay madasha shirka dumar ka soo jeediyey waxayna ku dheeraadeen qaabka ugu haboon ee ay u garab isgaagi karaan .
Caasha cusmaan ugaas caasha shaacuur oo ka mid ahaa haweenkii hormuudka u ahaa taabagalinta shirka iyo isu imaatinka haweenka ayaa haambalyo u diray madaxweyne farmaajo .
Caasha Shaacuur ayaa ku tilmaantay ciidanka dalka in ay yihiin kuwa dhibaatooyin kala duwan ay heystaan taasi oo hakad galin karta gudashada waajiboodkooda qaran waxayna hoosta ka xariiqda in dalku ciidan la.aan jiri Karin
Madaxweynaha waxaan ka codsanayaa in talaabada ugu horey ee uu qaado ay Noqoto mid ciidanka wax loogu qabanayo lana geeyo xeryahooda si loo ogaado waxa ay qabaan .
“Raiisal saaaha ay magacaabeyso waa in uu Noqdaa nin wadi kara dowlada dadkuna waa in ay helaan cadaalad iyo xornimo waana in uu ka fikiraa wax u qbadka dadka iyo dalka waxayna ka digtay in arimuhu qabii salka la galaan “
Caasha ayaa haweenku hadalkeeda ku soo dhaweeyeen sacab iyo mashxarada
Waxaana lagu soo gunaanaday shirka dumarku Muqdisho ku yeeshay bauranbur iskuugu jira amaan iyo duco ku socotay madaxweynaha ummadda somaliyeed Maxamed Cabdulaahi farmaajo.
Caasha waxay kula talisay madaxweynaha in ciidamada la adkeeyo lana siiyo xaquuqdooda iyo in ka badan waxayna ugu danbeyntii kula dardaarantay haweenka soomaaliyeed in ay ka soo baxaan waajibaadka dalka ka saran ayna ku daydaan dumarkii jiray waqtigii gobonimo doonka.
Caasha Cusmaan Ugaas ( Caasha Shaacur ) Waxaa gudoomiyaha haweenka ganacsatada Soomaaliyeed iyo Urur ay haweenku ku mideysan yihiin ee hinna waxay u ololeysa in haweenku garaan horumar dhankasta leh
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0