Qaar ka mid ah Salaadiinta iyo Wax garad kale oo ka soo jeeda Soomaaliland ayaa shir jaraid oo ay Muqdisho ku qabteen waxaa ay si kulul u cambaareeyeen dilal kala duwan oo siyaabo kala duwan loogu geystay muwaadiniin ka soo jeeda gobolada waqooyi ee dalka
kulanka ayaa si gaar ah waxaa looga hadlay dhacdo xanuun badan oo dhawaan 6 lix caruur ah oo walaalo ah lagu xabadeeyey Gudaha Magaalada Muqdisho waxaana shirkaasi ku dhintay Mid ka mid ah dhalinyaradaasi yar yayar hal qaarkoodna uu soo gaaray dhaawacyo culculus
shirka jaraaid oo ay qabteen ayaa sidaan u qornaa .
warsaxaafadeed
Hadii aynu nahay qowmiyada Gobolada waqooyi ( somaliland ) ee ku nool koofurta dalka oo isugu jira salaadiin ‘Boqoro ‘cuqaal ‘aqoonyahan’waxgarad ‘dhalinyaro ‘haweeniyo culumaaudiin.
waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiineynaa falal dilal foolxun ;koofurta soomaaliya oo lagu laayey Madaxdii soomaaliland ee ku jiray dowlada fadaraalka Ganacsatadii oo aan marka dhacdo dhaco oo aan cidna loo xirin cidna loo xukumin .
Madaxada la laayey ee reer somaliland waxaan ka xusi karnaa .
- Janaraal Yuusuf Talan Cali
- Xildhibaan Timir
- Xildhibaan Xeyd
- Xildhibaan Saado Cali warsame
- Xildhibaan Yuusuf Dirir
- Xildhibaan Gurxan
- Xildhibaan Xusen Cabdisalaan
- Xildhibaan Cabdulaahi Cabdi Siyaad
waxaa ugu danbeeyey ee lagu xasuuqay qoyska iyo Caruurta maamulaha Shirkada dahabshiil ee koofurta iyo Bartamaha soomaaliya Xasan Cali cawad iyo Sarakiil kale oo ka tirsan Shirkada dahabshiil group shilkaan oo noociisu cusbaa Caruurna Lagu xasuuqay waa mucjiso
- Dowlada doorkeedii lama arag .
- Shirkadaha Ganacsiga Baroordiiq lagama haayo
- Madaxda Qabaailka Koofurta Doorkoodii ma jiro
- Bulshada rayidka Koofurta kama warbixin
- Culumada koofurtu kama hadlin
- Ururada Xaquuqul insaanku kama hadlin
Waxaan Soo jeedineynaa
- Dowladu iskama xilsaarin Ilaalinta Amanka Madaxda Somaliland ee Koofurta
- Hadii Dhib nagu dhaco looma baaro si dhab ah
- Arinta Midnimada ee la waday waxaa ku so kordhay dhaawac iyo Tabasho cusub
- Dhacdadaan ugu danbeysay ee ku dhacday shirkada dahabshiil GROUP waxay keentay in ay dib u tashadaan dadka Gobolada waqooyi ka soo jeeda ( somaliland ee ku Nool koorfurta Soomaaliya
- Masuuliyiinta dowlada kaga jira Gobolada Waqooyi xil kasta oo ay hayaan malahan wax awood ah hadalkoodana lama dhageysto.
wa bilaahi towfiiq
https://youtu.be/0XR_sO1gw50
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view