Home Afsomali VIDEO Ciidamada Ilaalada Villa Somalia ee Koofiyad Casta

VIDEO Ciidamada Ilaalada Villa Somalia ee Koofiyad Casta

Sareeya Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen Gorod  Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Magaalada Muqdisho  tababar ugu soo xiray Ciidamo ka tirsan Ururka 60-aad ee ilaalada madaxtooyadda Qaranka kaasi oo u socday mudo 3 biloow ah ciidamado gaaraya ila 100 askari .

Munaasabadda Xiritaanka tababarka oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa kazoo qeybgalay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka, Wasiir ku xigen ka Gashaandhiga iyo Agaasimaha ku xigeenka Madaxtooyada.

Taliyaha Ururka 60aad ee ciidanka Xooga Dalka ee ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyey Ciidamada iyo  Tababaradii ay qaateen.

Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Aamina Saciid Cali ayaa ku amaantay ciidamada inay yihiin kuwa ay ka muuqato masuuliyadda

Taliyaha Ciidanka Xooganka Dalka S/Gaas  Cabdi Wali Jaamac Gora doo xiray tababarkan ayaa si aad ah ula dardarmay ula dardaarmay ciidanka loosoo xiray tababarka

Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo ah uru ka tirsan Ciidank Xooga dalka ayaa intabadan qaata tababaro joogto ah kaas oo qeyb ka ah  dhismaha Ciidanka Xooga Dalka Gaar ahaa Kobcinta aqoonta Ciidanka ee Ciidmada ilaaliya a Xarumaha  dowlada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.