Home Afsomali VIDEO Ciidamadii Ku Xareysnaa Xerada Tababarka Hiilweyne oo la dajiyey inta u...

VIDEO Ciidamadii Ku Xareysnaa Xerada Tababarka Hiilweyne oo la dajiyey inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa laga daad gureeyay magaalada Muqdisho, waxaana la geeyay ciidankan deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Deegaanka Basra ayaa dhawaan xoog looga saaray dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo halkaasi saldhig ku lahaa, waxaana deegaanka hada la dejiyay ciidamo xoogan oo katirsan milatariga Soomaaliya.

Ciidamada 14-ka October ayaa degnaa xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdosho, waxaana la arkayay maalmihii lasoo dhaafay ciidankan oo wata gaadiid dagaal oo loo daad gurenayay deegaanka Basra.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan ciidamo Mareykan ah ayaa Al Shabaab ka saaray deegaanka Basra oo ku dhaw degmada Balcad, waxaana dowlada qorsheesay in deegaankaasi la dejiyo ciidan si aysan mar kale Al Shabaab ugu soo laaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.