Home Afsomali VIDEO Ciidanka cirka Soomaaliyeed oo 58 jirsaday iyo duuliye Asli Calansida oo...

VIDEO Ciidanka cirka Soomaaliyeed oo 58 jirsaday iyo duuliye Asli Calansida oo hambalyo direysa

Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo ah haweeneydii ugu horeysay taariikhda Somalia ee duulisa dayuurad dagaal kana mid ahaan jirtay ciidankii cirka Soomaaliyeed ayaa hambalyo u direysa dhamaanba inta ka nool xiligan saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda iyo dableyda ciidankaas, munaasabada 15-ka Febraayo oo ku aadan sanadguuradii 58aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidanka cirka sanadkii 1960-kii.

 

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga ayaa waxaan halkan uga wada hambalyeynayaa dhammaan Duuliye-yaashii, Engineer-radii, Farsamayaqaannadii iyo dhamaan Xaasaskoodii iyo Ubadkoodii oo idilba oo ka wada tirsanaa Taliskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, sannadguurada 58aad ee maanta ku aaddan ee ka soo wareegatay bishii (Feb. 15, 1960) kii” ayey tiri Duuliye Asli Calansida oo hadda ku nool gobolka Texas ee dalka Maraykanka, waxayna si gaar ah hambalyo ugu direysaa munaasabadan awgeed Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo dhamaan saraakiisha ciidankaas.

Duuliye Asli ayaa si kooban uga warantay taariikhda iyo marxaladaha uu soo maray ciidanka cirka Soomaaliyed, iyadoo sheegtay in ciidankaas xiligii uu jiray uu ka mid ahaa kuwa ugu awooda badan wadamada afrika ee laga tusaale qaadan jiray, waxayna intaa ku dartay in ciidanka cirka uu door weyn ka soo qaatay difaaca dalka, diinta, dadka iyo calanka Soomaaliyeed taasoo ay sheegtay iney naftooda u hureen.

Taariikhdu markey ahayd (September 9, 1976), waxay ahayd maalin khaas ah oo taariikhi u ahayd Dumarka Soomaaliyeed. waana Maalin Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ay noqotay Duuliye, lana sii daayay oo ay kaligeed duushay waa duuliye Asli Xasan Cabaade oo taariikhda ciidanka cirka Soomaaliyeed baal dahab ah ka gashay.

Col. Duuliye Maxamuud Maxamed Guuleed oo ka mid ahaa taliyeyaashii soo maray ciidanka cirka Soomaaliyed iyo Tababare Duuliye Shaahir Cabdi Afrax ayaa Asli ku amaanay geesimada ay muujisay.

Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa ka warantay raggii udub dhexaadka u ahaa ciidanka oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa Engineer Sare, Axmed Sheekh Xasan (Hareed) oo ay xustay inuu ka mid ahaa Engineer-radii ugu horreeyay ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, sidoo kale waxay xustay Eng. Bashiir Nuur Hayir Barre, Eng. Cismaan Cabdulqaaddir, Eng. Saciid Cabdi Yuusuf, Eng. Xasan Cali Cismaan (Xasan Barre), Eng. Ibraahim Cabdi Maxamed, Pilot Yuusuf Xasan (Yuusuf Dheeg), Eng. Xuseyn Xasan “Xuseyn Dheere” iyo kuwo kale oo fara badan.

Waxaa kaloo ka mid ahaa raggaas Eng. Axmed Sheekh Xasan “Hareed” oo guddoomay shahaado abaalmarin ah, oo uu ku muteystay shaqadiisii uu si wanaagsan oo xad-dhaaf leh u laaban laabay, isagoo ka guddoomayay Taliyihii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Col. Duuliye Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), taariikhduna ahayd (February 15, 1973). Eng. Axmed Sheekh Xasan (Hareed), wuxuu tababbar Duullimaad ku soo qaatay Waddanka (Ciraaq), taariikhdu markey ahayd (1961-62) sidoo kale waxaa ka mid ahaa Cusmaan Cabdulqaaddir oo ahaa Farsamayaqaankii ugu horreeyay ee Dalka Talyaaniga tababbar loogu diro si loo soo baro mid ka mid ah xirfadaha Diyaaradaha” ayey tiri duuliye Asli Cabaade.

Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa intaa ku dartay:-

“Waxaa ayaan darra ah oo aanan marnaba illaawi kareynin, bur-burkii Waddankeenna ka dhacay oo uu cadaw sabab u ahaa, Waxaase intaasoo idilba ka wanaagsan, in lays daba qabto oo la baraarugo, hurdadana laga tooso, qorshaha cadawgu waa inuu kala qaybiyoo xukun, Waxaase lagaga kaban karaa, in lala yimaaddo towbad dhab ah, midnimo, is aamin, isku kalsoonaan, wada shaqayn iyo Ilaahay s.w.t. oo Talada lawada saarto, sidaa ayaa liibaan leh Waxaana qoraalkeyga ku soo koobayaa, oo aan Ilaahay s.w.t. ka baryayaa, sannadkan sannadkiisa, inaan ku dabbaaldegno Waddankeennii Hooyo ee Xalaasha ahaa iyo Taliskeennii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee bartamaha Xerada Afisyoone (Aviazione), inshaa’ Allaah”

Hambalyo *** Hambalyo *** Hambalyo

Waa Taliskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Waa Taliskii Cadawga, idinka caabbiyi jiraye

Waa Ciidankii, Cirka cadaw ku calaashan jiraye

Waa Ciidankii Cirka, cidna celin kari jirine

Waa Ciidankii Cirka u ekaa, lagana cabsoon jiraye

Waa Ciidankii Cirka, difaacana caada u lahaaye

Waa Ciidankii cududda waynaa, cadawgu ka carari jiraye

Waa Ciidankii u dhigay cadaw, cashar lama illaawaane

aslicalansida@hotmail.com ama
aslicalansida@yahoo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.