Home Afsomali VIDEO Sanadguuradii 57aad ee Ciidanka cirka oo maanta ku beegan iyo...

VIDEO Sanadguuradii 57aad ee Ciidanka cirka oo maanta ku beegan iyo hambalyo loo diray ( DAAWO SAWIRADA )

Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo ah haweeneydii ugu horeysay taariikhda Somalia ee duulisa dayuurad dagaal, kana mid ahaan jirtay ciidankii cirKa Soomaaliyed ayaa hambalyo u direysa dhamaanba inta ka nool xiligan saraakiisha saraakiil xigeenada iyo dableyda ciidankaas taasoo ku aadan munaasabada 15-ka Febraayo oo ku aadan sanadguuradii 57aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay ciidankaas oo aheyd sanadkii 1960-kii.

“Anigoo ku hadlaya magacayga ayaa waxaan halkan uga hambalyeynayaa dhammaan Duuliye-yaashii, Engineer-radii, Farsama- yaqaannadii iyo dhammaan Xaasaskoodii iyo Ubadkoodii oo idilba, oo ka wada tirsanaa Taliskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, munaasabaddan ama sannadguuradan 57aad ee maanta ku aaddan ee ka soo wareegatay bishii (Feb. 15, 1960) kii” ayey tiri Duuliye Asli Calansida oo hadda ku nool gobolka Texas ee dalka Maraykanka.

Duuliye Asli ayaa si kooban uga warantay taariikhda iyo marxladaha uu soo maray ciidanka cirKa Soomaaliyed, iyadoo sheegtay in ciidankaas xiligii uu jiray uu ka mid ahaa kuwa ugu awooda badan wadamada afrika lagana tusaale qaadan jiray, waxayna intaa ku dartay in ciidanka cirka uu si weyn uga soo qeyb qaatay difaaca dalka, diinta, dadka iyo calanka Soomaaliyeed taasoo ay sheegtay iney naftooda u hureen dad badan.

Taariikhdu markey ahayd September 9, 1976), waxay ahayd maalin taariikhi u ahayd Dumarka Soomaaliyeed waana Maalin Gabadhii Soomaaliyeed ee ugu horreysay ay noqotay Duuliye, lana sii daayay oo ay kaligeed la duushay dayuurad dagaal waana duuliye Asli Xasan Cabaade oo taariikhda ciidanka cirka Soomaaliyeed baal dahab ah ka gashay” ayuu yiri sarkaal ka mid ahaa taliyeyaashii soo maray ciidanka cirka Soomaaliyed, iyadoo Macallin Macallimiinteedii ka mid ahaa Tababare Duuliye Shaahir Cabdi Afrax uu Asli ku amaanay geesimada ay muujisay.

Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa ka warantay raggii udub dhexaadka u ahaa ciidankaa oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa Engineer Sare, Axmed Sheekh Xasan (Hareed) oo ay xustay inuu ka mid ahaa Engineer-radii ugu horreeyay ee Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, sidoo kale waxay xustay Eng. Bashiir Nuur Hayier, Barre, Eng. Cismaan Cabdulqaaddir, Eng. Saciid Cabdi Yuusuf, Eng. Xasan Cali Cismaan “Xasan Barre”, Eng. Ibraahim Cabdi Maxamed, Pilot Yuusuf Xasan “Yuusuf Dheeg”, Eng. Xuseyn Xasan “Xuseyn Dheere” iyo kuwo kale oo fara badan.

“Waxaa kaloo ka mid ahaa raggaas Eng. Axmed Sheekh Xasan (Hareed) oo guddoomay shahaado abaalmarin ah, oo uu ku muteystay shaqadiisii uu si wanaagsan oo xad-dhaaf leh u laaban laabay, isagoo ka guddoomayay Taliyihii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed Col. Duuliye Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), taariikhduna ahayd (February 15, 1973). Eng. Axmed Sheekh Xasan (Hareed), wuxuu tababbar Duullimaad ku soo qaatay Waddanka (Ciraaq), taariikhdu markey ahayd (1961-62) sidoo kale waxaa ka mid ahaa Cusmaan Cabdulqaaddir oo ahaa Farsamayaqaankii ugu horreeyay ee Dalka Talyaaniga tababbar loogu diro si loo soo baro mid ka mid ah xirfadaha Diyaaradaha” ayey tiri duuliye Asli Cabaade.

Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa intaa ku dartay “Waxaa ayaan darra ah oo aanan marnaba illaawi kareynin, burburkii Waddankeenna ka dhacay oo uu cadaw sabab u ahaa, Waxaase intaasoo idilba ka wanaagsan, in lays daba qabto oo la baraarugo, hurdadana laga tooso oo lagu dhaqaaqo sidii loo bad-baadin lahaa Waddankan faraha ka sii baxaya, oo uu qorshaha cadawguna yahay, kala qaybiyoo xukun, Waxaase lagaga kaban karaa, in lala yimaaddo towbad dhab ah, midnimo, is aamin, isku kalsoonaan, wada shaqayn iyo Ilaahay oo Talada lawada saarto, waxaana ILAAHAY ka baryayaa, sannadkan sannadkiisa, inaan ku dabbaaldegno Waddankeennii Hooyo ee Xalaasha ahaa iyo Taliskeennii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee bartamaha Xerada Afisyoone (Aviazione), inshaa’ Allaah.

Hambalyo *** Hambalyo *** Hambalyo
Wa Billaahi Tawfiiq

Waa Taliskii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed
Waa Taliskii Cadawga, idinka caabbiyi jiraye
Waa Ciidankii, Cirka cadaw ku calaashan jiraye
Waa Ciidankii Cirka, cidna celin kari jirine
Waa Ciidankii Cirka u ekaa, lagana cabsoon jiraye
Waa Ciidankii Cirka, difaacana caada u lahaaye
Waa Ciidankii cududda waynaa, cadawgu ka carari jiraye
Waa Ciidankii ku dhigay cadaw, cashar lama illaawaane

aslicalansida@hotmail.com ama aslicalansida@yahoo.com

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.