Home Afsomali VIDEO Dad Ku Dhintay Kaawo Kusoo Duntay Degmada Kaaraan Ee G/Banaadir

VIDEO Dad Ku Dhintay Kaawo Kusoo Duntay Degmada Kaaraan Ee G/Banaadir

Wararka aan ka heleyno  Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta ay ku soo duntay Goob Kaawa laga qodo qaar ka mid ah dadkii Kaawadaas ka Shaqeynayay mudada dhowrka Sanada ah.

Falkaan ayaa ka dhacay agagaarka Isbitaalka keysaneey ee Duleedka degmada Kaaraan  xili ay socotay Qodista Kaawada waxana la sheegay in uu ku geeriyooday mid ka mid ah dadka shaqeesta kaawada,sida uu sheegay Gudoomiyaha Iskaashatada Gobolka Banaadir

Waxa uu sheegay in dhacdadaan ay tahay mid soo noq noqatay islamarkaana tira ka dhowr jeer ay dad Shaqaalaha Kaawada ka tirsan ku geeriyoodeen.

Waxa uu ugu baaqay Masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir in ay ka Cawiyaan Baldoosyada lagu qodo Kaawooyinka Xataa ay diyaar u yihiin in ay ka kireestaan sida uu hadalka u dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.