Home Afsomali VIDEO Darawalada Mooto bajaajta Muqdisho oo soo dhaweeyey Go.aanka dhimista qarashka wad...

VIDEO Darawalada Mooto bajaajta Muqdisho oo soo dhaweeyey Go.aanka dhimista qarashka wad marista ee Dowlada hoose Ee xamar

Bajaajta ama muuto dhugdhuleyda  ee sedexda lug leh  waa  adeega gadiiid ee ugu fuduud  ee aad lehi karto markaad joogto magalada caasimad ah ee muqdisho  .

Mooto bajajta  ayaa waxa ay suuqa  ka saartay gadiid badan oo horey  uga jiray sida tagaasidiii horey uga shaqeyn jirtay magaaalda ee loo yaqanay umulo tuuga   Iyo badi gadiidka BLka oo aad hada aarkeyso in ay raacan oo kaliya dadka aan deg degsaneyn ama aan awadoodin in ay iska biixiyan qidmada yar ee lacagta bas raaca ah .

Bajajta  ayaa marka laga hadlayo waxa  ay leedahay labao dhinacmid faaiido iyo mid qasaaro ah

Hadii aan ku hor maro qasaraha bajajka ay leedahay ama ay ku soo kordhisay magalada muqdisho aya waxana ka soo qadan karnaa shilalka ay geystaan bajaajta  oo la sheegay in ay aad u badan tahay qasaraheed  madama ay  wadan ama ka xeeyan darawalo u badan dhalinyaro aan aqoon durugsan u laeyn wadista bajaajta ama rag waa weyn oo an heysan leysinka wadista bajaajtaama sharciga darawalnimada. Taasana  loo aaneynayaa  in ay soo batan shilalka ay geystaan bajaajta inta badan .

Geesta kale waxa ay  leedahay faaii’do badan oo ah inay shaqo abuur u notay dhalinyaro badan  iyadoona qoysas badan ay ka biishtan waxana shaqo iyo nolo maalmeyd ay utahay qoysas badan oo soomaaliyeed .

Waxana meesha ka baxday cariirigii loo qabay gadiidka  dadweynaha  waxan hada  si sahal ah aad ku helysaa  gadid ku kaxeeyo meeshii aad doonto  qaab sahlan iyo qiimo jaban  madama ay soo bateyn bajaajta ka shaqeyso magalada  gudaheeda .

Dawade  maanta kama hadleyno arrintaasi  waxan barnamijkeyna aan diirada  ku saareynaa  qiimaha laga qaado bajajta  ama canshuurta ay ka qado waaxda qaadista canshuuraha ee dowlada  hoose  oo nidaam cusub ku soo kordhisay  kadib markii dhawan ay warbixin aya soo saartay  wasaradda  maaliyada ee xukumada fedaralka  soomaaliya oo ay ku shaacisay in  wasaradda ay soo kordhisay nidam cusub oo hada ka dib looga qadayo canshuuraha laga qaado BL ka dadweynaha  oo ay qeyb weyn  ka tahay bajaajto

kaso ahaa in hada kadib wixi ka danbeyo  dhaman darawalada kaxeeyo mooto bajaajta  lagu amray in lacagaha canshuurta ee wado  marista ay ku shuban akoono ay wasaradu ka furtay bankiyada dalka  ku yaala taaso meesha ka sareyso  nidamka masuq maasuqa  eehore uga jiray lacagaha  canshuuraha oo dad badan ay siweydiin jireyn halka  ay marto iyo waxa lagu qabto waxana dhici jirtay in dad badan ay ku doodan in aysan dhibeyn casnhuurta sababo laxariiro inysan dowlada gacanteda ay san ku dhicin canshuurta laga qaado muwadiniinta soomaaliyeed .

qaabkan cusub oo ay hada bilowday wasaradda arrimaha maaliyada  xukumad asoomaaliya aya waxa uu meesha ka saraya mugdigii horey uga jiray arrinkaasi

waloow  aan weli la dhihikarin gebi ahan waauu  dhaqan galay  arrinkaasi .

qaadista canshuurta wado marista ayaa waxaay tahay lacag sharci ahoo  laga qaado dhaman gadidka adeegsada wadooyinka dal kasta   balse marka la jooga wadan sida soomaaliya oo kale ahayaa waxa adag   in la fahansiiyo ama laga qaado darawalada kaxeeyo gadidka oo ay ey ka mid  tahay bajaajta madama ay intooda badan ay ku  doodan ina waxba loogu qabanin lacagaha  laga qaado iyaga waxana dhacda in wadooyinka qaar ay xeranyihiin  oo ay ku adkaato in gadiidka dadweyanaha ay adeegsadan taasina waxa  ay meesha ka sareysa  quutul yoomkii ay heli lahayeen darawada ka xeeyo bajaajta maalintasi .

dhinacakale waxa jirta dhaqan xumo ay kula kacaan ciidamada  amanaka  ama illaalada wadooyinka  ee dowlada federalka  soomaaliya  ee loo yaqaano tarfikada

Mooto bajaajta waxaa dhacday in darawalo badan aya naftooda ku wayan qaarna ay u jiifan dhawacyadii loogeystay.

markan si hoose ugu koor galno arrinta qaadista lacagaha wadao marista ee laga qaado mooto bajaajta  waxaa is weydin mudan  sua’aasha ah

side ula qabsadeyn nidamkan cuusb ee dowlad  ay ku soo rogtay qaabkii hore looga qaadi jiray lacagta  darawalada oo aha in ay wada macamilan oo kaliya darawalka  iyo askariga wadada taagan oo xiliyada qaar ay dhacdo in qaab aan sharci ku saleysneen  ay kuwada macamilan labadooda  walo weli oo sii jiro dhaqankaasi ama nidamkaasi  oo ah nidamka loo yaqano laalushka

laakin waxa boqol kiiba 80    meesha ka saray nidamkan cusub ee ah akoonka  dowlada oo ay lacagta ku dhacdo tasoo  badbaadin karta ilaaiyo xad marka looeego qaabkii hore .

hadaba side ula qabsadeyn ama u arkaan darawaliinta ka xeeyo mooto bajaajta nidamkan cusub waxana mekrafoonka GTN tv aan la dhexqaday qaar ka mid ah darawalda  ka xeeysa bajaajta oo an wax badan ka weydiyay side u arkan nidamka cusub ee qaadista canshuuraha iyo noloshada qaabka ay iska badashay  waakuwan qaar ka mid ah darawalada oo an wareystay

codad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.