Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta uusan furneen Suuqa weyn ee Bakaaraha qeybahiisa kala duwan ee Suuqaas sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka hadlay.
Xernaashiyaha Suuqa Bakaaraha ayaa ka danbeysa ka dib markii Ganacsatada Suuqaas ay shalay sheegeen in ay joojinayaan Guud ahaan Ganacsigii suuqa Bakaaraha kadib cabashooyin ay sheegeen in wax laga qaban waayay oo ka yimid dhinaca Dowladda arintaas darteedna ay u joojinayaan ganacsigii suuqa weyn ee Bakaaraha ee maagalada Muqdisho.
Ganacstada ayaa sheegay in ay xamili wayeen lacago dheeraad ah oo ay ku soo kordhisay Dowladda Soomaaliya iyagoo ugu baaqay madaxda Dowladda in ay wax ka qabtaan Cabashadooda ku saabsan canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay.
(maxay tahay danta laga leeyahay xirida suuq yadda muqdisho)-ganac satada doonayso inay joojiyaan ganacsiga suuqyada muqdisho ha kafakiraan muruqmaalka iyo masaakita alyomka noloshodu ku tirsan tahay awaluusan ganacsigiinu udaneneyn masaakinta iyo danyarta xaalkoodu marayo dhibka ay ka qaadeen sicir bararka maciishada cudurada ay la daalaa dhacayaan oo ay ka qaadeen dawada dhacday iyo rashiinka biyo gaarka iyo baqaar kuraaga ah waxaana tusaalle cad ah ganacsade ka mid ah ganacsatada magaalada muqdisho maalka iyo magaca ku leh oo aa doonayo in aan maga ciisa kusoo gaabiyo(……..)
Ayaa waxa uu xamar keenay markab uu saaran yahay bur dhacay oo waliba biyo gaar ah oo dhagaxyo noqday waxay u kireeyeen baqaaro waxayna galiyeen shaqaale aad utiro badan iyaga oo bur buriyay burkii dhag xaanta noqday oo ku toleen jawano cusub xarqaan cusubna ku toleen iyagoo ka dhigay bur cusub lakiin tayo aan laheyn waxaase mucjiso noqotay in burkaas kiish ka mid ah laga helay gudihiisa funaanad uu iska bedelay mid ka mid ah shaqaalihii kashaqaynayay burkaa oo iyagoon ogeyn ayeey ku cabeeyeen kuna dhex toleen kiish kamid ah burkii war iyo dhamaan waxaan maqaalkeyga kusoo af meerayaa(nin ku dilay har kuuma jiidee )ganac satooy u tura masaa kiinta aad ku rideen cuduro aan soomaaliya laga aqoon jirin sida(kansarka’korostarool’infacshan’kilyo xanuun’sokor iyo dhiig kar) waxaan hubaa in cuduradaan in tooda badan ay sabab toodu leeyihiin ganacsatada ka ganacsada wax uusan rabi raali ka aheyn shacabkaan aad dilooteen war ilaah uga cabsada dowladana hadii ay lacag idin ku siyaadiso waxaan ognahay in aad shacabka saareysaan ee inta ganacsi siyaasadeys ka ku jirto umadda dan uma haysaanee ha cuna qabateynina inta waxay malintaa shaqaystaan habeenkaa walid walaal iyo ubad kooda dabka ugu shubaan warhooy xisaabi way jiri doontaa kii ka baxsado tan aduunka wuxuusan ka baxsan doonin tan aaqiro(alow na amaano yeel).