Home Afsomali VIDEO dhulkii dowladada oo la kala dhaxlay kuwo iib galay iyo dhismo...

VIDEO dhulkii dowladada oo la kala dhaxlay kuwo iib galay iyo dhismo yaal waaweyna oo laga taagay dhulkii dowladu laheyd ayaa la difaacday in la dumiyo

tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladii dhexe ee dalku lahaa waxaa la boobay wixii ay hanti ma guurto iyo mid guurtabada ay ku laheyd dalka iyo dibada waxaana jira hada qaar ay u sii muuqdaan  haraadigii ka harey

waxaana boobka hantida dowladu 1991dii ilaa iyo haatan marka laga soo tago gaadiidka iyo warshadihii yo markiibtii dalku lahaa  ayaa dhulalka qaarkood ay isu dhaafeen gacmo kala duwan waxaana ku jira dhul dowladeed la kala dhaxlay kuwo iib galay iyo dhismo yaal waaweyna oo laga taagay dhulkii dowladu laheyd

intaa iyo in ka badan oo jirta ayaa  dowladihii dalka soo maray ayaana u surtagalin hanashada ama dib usoo celinta dhulka danta guud ee galay gacanta ganacsato iyo shirkado waaweyn

 

dowlada ay majaraha u hayaan madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo raisulwasare Xasan Cali kheyre wakiilna uu uga yahay gobolka banadir ingineer Cabdiraxman Cumar Cusmaan yariisow waxa ay wacad ku mareen inay la dagaalamaan musuqa soona  celiyaan dhulalaka dowlada ee maqan iayaga oo u asteeyay waqti cayiman oo lasoo dhaafay mudadii logu balamay

Cabdiraxman Cumar Cusmaan yariisow maamulkiisa hada ka shaqeeya muqdisho ayaa kula dhaqaaqay dhulalka qaarkood howlo burburin ah iyadoo amarka mamulka uu soo saaray ee ahaa in laga baxo dhulalka kale uu san sidii loogu talagalay u fulin

hadaba waxgaradka muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay gaabiska ku yimid howlahasi lagu cirib tirayo musuq maasuqa ka jira dalka

dowlada dhexe ayaa hore ugu dhawaaqday inay soo celineyso hantida dowladeed ee shaqsiyadka u gacan galay balse tasi ayana weli suurtagal noqon ka dib markii ay arinta soo celinta ay ka socon wesay ganacsato iyo rag mug ku dhex leh dowlada dhexdeeda

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.