Home Afsomali VIDEO dowlad dhiiran baa maanta dhalateen hala dhinac galo dhadig iyo lab...

VIDEO dowlad dhiiran baa maanta dhalateen hala dhinac galo dhadig iyo lab dhaxda is qabsada yeyna dhicino yeyna dheeliyin dhalinyaradaay waa dhulkeenee aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

 

dhalinarow i dhageysta

Waxa dhacanee dhinba dhan u sido waa dhulkeenee dhalinyarow aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

waxa dhuugiyo dhurwaagu cunay ee la soo waa dhulkeenee dhalinyarow aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

waxaan dhirtiyo laga jarayoo xaaluf laga dhigay oo dhuxul laga shiday waa dhulkeenee dhalinyarow aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

Xoolaheenii dhaadanaan jirey dhadig iyo lab iyo ugaartii dhulka joogteen rabi noo dhigay la dhameysayo waa la dhoofsaday waa dhulkeenee dhalinyarow aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

baddaan dheeroo la dhaxgalayoo kaluunkeedii la dhameystay booyadaha sunta ah la dhaxdhigay waa dhulkeenee aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

waxaan dhacayee Dhagxumadaa hadaan dhowrano ubadkeenaa dhaxli doonee  dhalinyaradaay waa dhulkeenee aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

dhiiga daadshaha dhagar qabaha dadka ku dhaxjira yuuna dhuumane dhagta soo qabta dhalinyaradaay waa dhulkeenee aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

tacliin lama dhigo hadaan nabad dhalan dheef la quutiyo dhuuni lama helo mhadaan nabad dhalan qaran lama dhiso dhalinyaradaay waa dhulkeenee aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

dowlad dhiiran baa maanta dhalateen hala dhinac galo dhadig iyo lab dhaxda is qabsada yeyna dhicino yeyna dheeliyin dhalinyaradaay waa dhulkeenee aan ka dhiidhino oo dhaqso u kaca

 

Hargeyso iyo Xamar waa hal iyo Nirig kii Mid reebana Hoos halo rido

waaxda harar iyo howka N.F.D waa halgamiyoo weli kama harin mar uunbaan heli inshaa alaahu  hargeyso xamar hase yeeshee

 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.