Home Afsomali VIDEO Dowlada keenya oo bayaan ka soo saartay sheegashada bada Soomaaliya iyo...

VIDEO Dowlada keenya oo bayaan ka soo saartay sheegashada bada Soomaaliya iyo gudi uu madaxweynuhu u direy maxkamada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheakh Maxamuud ayaa sagootiyey guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada Hague ee dalka Holland.

Guddigaan ayaa halkaasi u tagi doonaa sidii ay ula socon lahaayeen dacwada Badda ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo la filayo in 19 ka bishaan ay dib uga furanto magaalada Hague ee dalkaasi Holland.

Xasan Sheakh Maxamuud ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay ugu kalsoontahay in ay ku guuleysato dacwadaasi, maadaama Soomaaliya si sharci ah ay u martay dacwada la xiriirta muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Waxaan sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada, guddigaan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda, waxaan ku kalsoonahay inaan dacwadaasi ku guulaysan doono inshalaah”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, oo ku xad gudubtay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

Qoraalka Kenya linkiga Hoose ka aqriso 

http://dhanaanmedia.com/statement-by-the-government-of-kenya-on-the-somalia-v-kenya-case-before-the-international-court-of-justice/

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.