Dowlada Somalia oo soo bandhigay Madbacad si sharci daro ah loogu dabici jiray dhamaan ducumentiyada ay bixiyaan hey.adaha dowlada iyo kuwo si gaar ah loo leeyahay.
Waxaana ka mid ahaa ducumentiyada ciidamada bolice ku soo qabteen ilaa laba ruux warqadaha lahaanshiyaha guryaha bixinta canshuuraha kuwa ay bixiso hey,ada socdaalka iyo jinsiyadaha visaha ama dalku dalka wadamo kala duwan sharciga wadida gaadiidka iyo lahaanshiyah gaadiidka shahaadooyinka wasaarada waxbarashadu bixiso dugsi hoose sare ilaa jaamacadaha kuwa caafimaadka baasapoorada tiimbarayaal ducumentiaydaa dhamaan ay bixiso dowlada hoose cumputaro makiinaha daabacaada iyo qalab kale oo badan .
Munaasibada soo dhandhigida Agabyadaan loo adeegsanayey sameynta dumentiyada dowlada oo been abuur ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay taliaya waxda canshuuraha iyo dhaqaalaha dowlada janaraal bariise xeerilaaliyaha guud ee qaranka wasiirku xigeenka maaliyada cabdulaahi qaloocow agaasimaha waaxda canshuuraha ee wasaarada maaliyaha muxudiin jurus xubno ka socday maamulka Gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan
Taliya laanta canshuuraha iyo dhaqaalaha dowlada janaraal cabdulaahi Xasan Bariise iyo heerilaaliyaha guud ee qaran Dr Axmed Cali Daahir iyo masuuliyiin kale ayaa warbaahinta u faahfaahiyey  dhibaatada u bulshada ku haayo sameynta ducumentiyada been abuurka ah waxayna sheegeen in la soo qabtay ilaa laba eedeysane xili ay ku howlanaayeen sameynta ducumentiyadaan iyo qalabkii ay isticmaalayeen
Ugu danbeyntiina waxaa bulshada looga digay in ay ducumentiyada u doontaan xafiisyada dowlada ee ku shaqada leh bixintooda si ay u helaan document sharci ah