Home Afsomali VIDEO Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo malaayiin doolar abaaraha dartood ugu yaboohay...

VIDEO Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo malaayiin doolar abaaraha dartood ugu yaboohay Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlada somaliaya Madaxmed Cabdulaahi farmaajo ayaa ka qeybgalay shir ay iskuugu yimaadeen Magaalada Muqdisho madaxda dowlada fadaraalka kuwa maamulada dalka beesha caalmka iyo heyadaha Deeqaha bini aadanimo bixiya .

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii loogu gurman lahaa dadyowga abaaruhu saameeyeen waxaana shirka looga yaboohay lacago maalaayiin doolar ah

Gabagabadii kulanka ayaa waxaa saxaafada la haladay raiisal wasaare ku xigeenkii dowladii waqtigeedu dhamaaday maxamed Cumar tarte kaasi ayaa sheegay in dowladaha mareykanka iyo ingiriisku ugu badan yihiin dowladaha lacagaha yaboohay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Faramaajo), ayaa ku dhawaaqay in abaaraha ka jira dalka ay yihiin musiibo qaran oo u baahan in si degdeg ah looga jawaabo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka in ay ka qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo dadka ay abaarahu saamaayeen si looga gaashaanto in xaalad macaluul oo baahsan ay dalka ka dhacdo sidii lix sano kahor.

“Toddobaadyada iyo bilaha soo socdo, waxaan isugu gayn doonnaa awooddeenna, sidii loo dajin lahaa istiraatiijiyad looga hortagayo saameynta baahsan ee abaaraha, oo suuragal ah in ay isu badasho xaalad macaluul, hadddii aan haatan laga hortagin.”

“Waa in dhammaan qeybaha bulshada ay ka qeybgalaan gurmadkan lagu samatabixinayo nolosha dadka Soomaaliyeed. Dowladda waxa ay ahmiyadda koowaad siin doontaa gurmadka abaaraha. ” Ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayey shirkii maanta ee looga hadlayey gurmadka abaaraha.

Ugu dambeyntii , Madaxweynaha ayaa si joogta ah ula socon doona xaaladaha abaaraha, si gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed uu u noqdo mid gaaray meelihii loogu talagalay.

vlcsnap-2017-02-28-13h45m59s480
vlcsnap-2017-02-28-13h45m00s855 1
vlcsnap-2017-02-28-13h45m13s984

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.