Home Afsomali VIDEO Eng yariisow oo dhawaciisa dalka dibadiisa loo qaday iyo Masuuliyiintii ku...

VIDEO Eng yariisow oo dhawaciisa dalka dibadiisa loo qaday iyo Masuuliyiintii ku geriyootay qaraxii ismiidaminta ahaa ee ka dhacay xarunta dowlada hoose ee xamar oo la aasay

https://youtu.be/O8HN9fA4DpA

Inta la ogyahay lix qof ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badan oo uu ku jiro gudoomiyihii maamulka Gobolka banaadir Enj yarrow ayaa dhawacyo kala duwani ka soo gaareen

Hal qarax o ka dhcay hool ay ku shirayeen masuuliyiinta gobolka banaadir

Ma kala cada sida qaraxa loo fuliyey in uu ahaa mid horey goobta loogu diyaariyey iyo in uu ahaa qarax ku rakibnaa qof og walxaha qarxa ee uu sido  isla markaana u suurta gashay in uu gudaha u galo hoolkii uu shirku ka socday sidaana iskula qarxiyey nafleydii goobta ku sugneyd

Waxayna aheyd  maalin amniga Gobolka Looga hadlayey oo Noqotay maalintii ugu dhimashada badneyd ee masuuliyiinta Gobolka banaadir

Waxaa aas qaran loo sameeyey masuuliyiintii ku dhimatay qarax iyada oo sidoo kale dalka dibadiisa howlo caafimaad logu qaaday ilaa 10 ruux oo uu ku jiro Godoomiye yariisow

Aaska ka dib waxaa saxaafada la hadlay wasiirku xigeenka wasaarada amniga Xukuumada fadaraalka Somaliya iyo masuuliyiin kale

Masuuliyiintii ku dhimatay qaraxii ka dhcay Aqalka Dowlda hoose ee Xamar ayaa aas Qaran loogu sameeyey magaalada

Adduun laguma waaro

Ajashii dhamaatana

Ifkana joogi meyso

Qaraxna ugub maaha

Waxaan aad ula yaabay

Hoosha Yaa Agaasimay?

Xafladda Yaa Olaleeyay?

Inanta Yaaku Casuumay?

Yaa Infiitada Siiyay?

Yaa Irida Dhaafiyay?

Oo Amuurtaan Fududeeyay?

Umadaan La Gumaaday

Yaa dhiigooda iibsaday?

Nimankii abaabulay

Eedda Yaala Wadaaga?

Ruux aan la ogeynoo

Casuumaad aan ku imaan

Masuul inuu akfariisto

Yaa u ogolaaday?

Xilka Odayga Yaa rabay?

Gabadha uurka lahee

Aafada foolaneeysay

Yaa iridda Dhaafshoo

Isbitaalka u joogay

Albaabka Yaa dhaafshay?

Waa Ayaan darro weynoo

Yaa Shbb u adeegoo

Odayaasha Akjooga?

Gabaygaan waxaa tiriyay Abwaan Guure Hadaad Aqrisatay ka waran su’aalaha iyo gabayga ? Maxaa kaaga baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.