Home Afsomali VIDEO Ergaga Gaarka ah ee Midoga Africa “AMISOM awood uma laha...

VIDEO Ergaga Gaarka ah ee Midoga Africa “AMISOM awood uma laha inay amar dul dhigto shacabka Soomaaliyeed iyo run ahaantii Baarlamaanka oo la xiriira habka ay howshooda u qabsanayaan

Bayaanka Wakiilka Gaarka ah ee Midawga Afrika uu ka soo saaray xaaladaha  siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday Aqalka Hoose ee Baarlamaanka.

 

Xubnaha sharafta leh ee warbaahinta, saraakiisha sarsare ee AMISOM, mudanayaal iyo marwooyin,

  1. Sida aad dhammaantiin ka warqabtaan, waxa aynu waajahaynaa caqabado siyaasadeed oo adag. Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliyeed, oo sidoo kale loo yaqaanno Golaha Shacabka, waxa uu hadda u qaybsan yahay labo qurub oo iska soo horjeeda.
  2. Iska-horimaadkan ayaa Arbacadii dhawayd ku danbeeyey xaalad siyaasadeed iyo amni, taasi oo keentay soogalka ciidamada Amisom oo caawinaya, isla markaana la shaqaynaya Ciidamada Qaranka Soomaaliya, si ay xaaladda wax uga qabtaan.

Xubnaha sharafta leh ee Warbaahinta, Saraakiisa sarsare ee AMISOM ee goobta jooga, mudanayaal iyo marwooyin,

 

  1. Waxa ay hoggaamiyaasha ugu sarreeya ee Addis Ababa [jooga] i soo fareen inaan idin ku wargeliyo in Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) uu u xilsaaran yahay la shaqaynta Ciidamada Amniga Soomaaliya si ay u sugaan amniga Hay’adaha Qaranka Soomaaliyeed oo uu ku jiro Baarlamaanku.

Guddida Midowga Afrika iyo Amisom waxa ay ixtiraamayaan madaxbannaanida shacabka Soomaaliya, waxa ay aqoonsan yihiin xuquuqdooda, waxayna kalsooni buuxda ku qabaan awoodda Hoggaankoodu ku xallin karo caqabdaha uu waajahayo waddankoodu oo ay ku jiraan taxaddiyada siyaasadeed ee hadda, ee keenay Aqalkii Hoose ee Baarlamaanka oo labo u kala jabay. Marka halkan la joogo, AMISOM maandheet (mandate) u ma laha inay shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale Baarlamaanka, u yeeriso qaabka ay tahay inay hawlahooda u qabsadaan. AMISOM, sidaasi darteed, lama wareegi doonto gacan-ku-haynta Golaha Shacabka, jeer oo ay hay’adaha awoodda u leh ee Soomaaliyeed sidaas soo codsadaan mooyaane, iyada oo si buuxda loogu hawlgelayo xayndaabka maandheetka AMISOM. Si kastaba ha noqotee, dhegta ayaa noo taagan, heegganna waa aannu ku jirnaa annaga oo diyaar u ah inaan caawinno Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd Baarlamaanka amase meel kale.

  1. Aniga oo ku hadlaya afka Guddida  Miwowga Africa, guud ahaan AMISOM,  iyo  afkaygaba, waxa aan jeclahay inaan hoosta ka xarriiqo in aragtidayadu tahay in iska-horimaadka siyaasadeed ee hadda taagan uu u dhexeeyo labo dhinac oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, oo sidoo kale loo yaqaanno Golaha Shacabka.

 

  1. Midowga Afrika iyo AMISOM waxa ay aqoonsan yihiin isla markaana dhawrayaan xaqa uu Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u leeyahay in uu jaangooyo goorta, goobta iyo qaabka ay u gudanayaan hawshooda. Sidaasi darteed, maaha waajibka AMISOM inay jaangoyso goobta iyo qaabka ay tahay inay u fuliyaan hawlahooda Baarlamaan.
  2. Waxaan jeclaan lahaa in aan aad u qeexo in Midawga Afrika, oo AMISOM metelayso, kuna shaqaynaya Bayaanka Qaramada Midoobay ee 2372(2017) uu fulinayo wareejin wejiyaysan oo shuruud ku xidhan oo mas’uuliyadda amni lagu wareejinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya; iyo in kacsanaanta siyaasadeed ee hadda taagani aanay sinnaba u saamaynayn AMISOM ama aanay ugu qasbayn in ay xoogaggeeda la baxdo.

Marnaba si iskayaga ah uma cidlaynaynno dadka furfuran ee Soomaliya, garabkooda ayaannu ahaan doonnaana sidii aannu weligayo u soo ahaynba, jeer oo ay noo sheegaan in ay diyaar u yihiin in ay naga la wareegaan. Inta xilligaa laga gaarayo, waannu sii wadaynaa taageeridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ee u halgamaya in ay sugaan amniga iyo nabadgelyada dalkooda iyo hay’adahooda, uu Barlamaanku ka mid yahay.

  1. Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) waxa ay aad u danaynayaan arrimaha amni ee ka dhalan kara waxyaabihii Arbacadii ka dhacay Baarlamaanka. Waxa aan ka codsanayaa xubnaha Baarlamaanka iyo metalayaasha sharciga ah ee shacabka Soomaaliya, inay sii wadaan is-xakamaynta inta ay ku hawlan yihiin xallinta kaladuwanaanshaha iska horkeenay.
  2. Waxa aan jeclahay inaan uga mahadceliyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, AMISOM iyo laamaha kale ee ciidamada amni ee qaranka Soomaaliya qaabka muxtarifka ah ee ay ugu guuleysteen xakamaynta xaaladda, uga hortageen gacan-ka-hadal una ilaaliyeen nabadda intii lagu gudajirey kalfadhigii gaarka ahaa ee Baarlamaanka ee Arabacadii.
  3. Midowga Afrika waxa uu halkan u joogaa dhammaan dadka Soomaaliya. Waa aannu sii wadi doonnaa inaan dhammaantiin iyo heer kasta oo aad joogtaan idin la tacaamulno, aanuna idin taageerno inta aad ka shaqaynaysaan soo-celinta sharafta qarankan weyn, soo-afjarka gacan-ka-hadalka, xal-waara-u-helidda waddankan iyo inaad muwaadiniintiisa u abuurtaan mustaqbal wacan. Inta aannu sidaas wadno, maandheetkayagu noo oggolaan maayo inaannu garabka saarno cid idin ka mid ah, maxaa yeelay Midowga Afrika waa uu idin jecel yahay dhammaantiin.

Waa aad mahadsan tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.