Home Afsomali VIDEO Faahfaahinadii ugu danbeeyey Werarkii lagu qaaday Hoyga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid...

VIDEO Faahfaahinadii ugu danbeeyey Werarkii lagu qaaday Hoyga Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Askar iyo Sareaakiil Xabsiga la dhiag

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka inuu baaritaan degdeg ah ku sameeyo falkii sharci darrada ahaa ee lagu galay hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid weerarka dhacay xili uu sanatorku hoygiisa uu ka maqnaa lana baartay  halka wasiirka Warfaafinta Enjiner Yariisowna uu sheegay in Dowlada Federaalka Bilowday  baaritaan  ku aadan sababta iyo cidii ka danbeysay falka ka dhacay Guriga Senator Abdiqeybdiid sharciga la horkeeni doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan

ku dhawaad 50 askari ayaa loo soo qabqabtay waxaana weli socdo qabashada cid kasta oo tuhun galo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday Hoyga sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40-Askari oo  ka dambeeyey weerarkii lagu qaaday Guriga Sanatar Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sargaal oo kale oo iyana arintaasi lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii maanta lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii falkaasi uu dhacay ku amray durbadiiba taliyaha ciidanka Xoogga Dalka in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo cidii weerarkaasi ka dambeysay, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.