Home Afsomali VIDEO farxiyo Kaba yare” lacagtii Aamino dhool shacabka Soomaaliyeed u aruuriyeen ...

VIDEO farxiyo Kaba yare” lacagtii Aamino dhool shacabka Soomaaliyeed u aruuriyeen waxaa Lunsaday TV caan ah

https://youtu.be/QXtsmzxNFfI

Masuuliyiin sare oo ka tirsan Maamulka Tv-ga afka Soomaaliga ku hadla ee Universal ayaa lagu eedeeyey iney lunsadeen dhaqaale ay u ururiyeen fanaanada Soomaaliyeed ee Aamino dhool oo mudooyinkan la il darneyd xanuuno soo wajahay.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada London ka taagneyd fadeexad iyo hadal heyn badan oo la xiriirta arintan, waxaana soo baxay isqabqabsi ka dhex aloosan shaqsiyaad isugu jira weriyeyaal iyo fanaaniin loo xilsaaray iney Soomaalida ka ururiyaan lacagaha lagu daweynayo fanaanada Aamino Dhool.

Farxiya Kabayare oo ka tirsan Fanaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa si kulul ugu eedeysay Abuukar Mahdi oo ka tirsan Masuuliyiinta Universal TV iyo Ibraahim Baafo oo ah weriye uga soo warama dalka Australia in lacago badan oo ay ka ururiyeen London iyo Australia ay ku wareejin la’ yihiin fanaanada Aamino Dhool, waxaana fanaanada Farxiyo Kabayare ay ku eedeysay labadaas masuul iney lunsadeen lacagaha ay dhankooda ka ururiyeen.

“Waa nasiib daro in labadan qof oo la aaminay uu damac ka galo lacago ay dhinacooda uga ururiyeen fanaanad Soomaaliyeed oo xanuunsan, waxaana hayaa cadeymo muujinaya lacagaha ay lunsadeen haddii aysan dib u soo celin, mana uga harayno arintaan” ayey tiri fanaanada Farxiyo Kaboyare oo muuqaal video ah soo dhigtay baraha bulshada kana tirsan guddi loo xilsaaray iney lacago u ururiyaan fanaanacada xanuunsan.

Ma jiro war  arintan ku saabsan oo ka soo baxay Maamulka Tv-ga afka Soomaaliga ku hadla ee Universal waxaana arintan niyad jab iyo kalsooni daro ku abuureysaa dadka Soomaaliyeed ee lacagaha ugu tabarucay fanaanada Aamino Dhool ee ku xanuunsansaneysa magaalada London una baahan gurmad deg deg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.