Home Afsomali VIDEO Fatahaada wabiga oo shaqo la aan dhigtay bulshulsho badan

VIDEO Fatahaada wabiga oo shaqo la aan dhigtay bulshulsho badan

Beledweyne waa magaalo taariikhi ah, lehna kheyraad badan. Sanadkii 2015 ayaan dhowr jeer tagay Beledweyne.

Waa magaalo god ku jirta. Qeybo ka mid ah xaafadaheeda sannadkii laba jeer ayuu Wabigu ku fatahaa. Ma lahan Qorshe degaaneed iyo jidad ee waxay u dhisan tahay sida Isku-raran oo kale. Hal laami ayaa dhex mara oo isaguna burbursan. Iska daa magaalladee xataa garoonka diyaaradaha waxaa gala biyo marka wabigu biyo keeno ama roob xoog lihi da’o.

Waxaa jira dhul aan ka fogeyn magaallada oo Doon ama Taag ah. Waxaa habboon in dhulkaas la saaro cabbir, dadka magaallada deggana loo qeybiyo. Waxaa lagu xallin lahaa laba dhibaato oo kala ah daadadka Wabiga ee sannad kasta dadka barakiciya iyo magaallada oo isku-raranta ka bixi lahayd.

Baladwayne waxay u baahan tahay Gurmad Qaran.

Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu ku biiriyo awoodiisa sidii loo caawin lahaa Walaalahaas dhiban.

Waa inaad aqbashaa ugu yaraan kala bar wixii aad ku noolaan lahayd inaad ku caawiso Walaalaha aan haysan hoy, Cunno, Daawo iyo wax kasta oo Nolosha Aas aasigeeda ah.

Wariyayaasha Soomaaliyeed doorkoodii ayaa ka maqan meesha oo ah inay soo bandhigaan baaxadda dhibaatadda ka jirta halkaasi.

Sidoo kale aan tusaale u noqona dadka kale, iskana billowno inaan 50% Mushaarkeena ugu deeqno Baladwayne.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.