Home Afsomali VIDEO Feysal Cali Waraabe” Waqtiga naguma qaadaneyso qabsashada Garowe,Farmaajana xiriir ayuu la...

VIDEO Feysal Cali Waraabe” Waqtiga naguma qaadaneyso qabsashada Garowe,Farmaajana xiriir ayuu la leeyahay dagaalka”

gudoomiyaha xisbiga mucaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay dagaalka haatan kala dhaxeeya Puntland isaga oo ku goodiyay in ay waqti ku qaadaneyn in ay qabsadaan magalaada Garoowe ee maamulka Puntland.

Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ku micneeyay dagaalka maanta Puntland iyo Somaliland dhexmaray inuu yahay ay uga hor tagayan dhul balaarsi maamulka Puntland doonayaan in ay sameeyaan

“Waxaan hambalyo u dirayaa ciidanka geesiyada ma soo jeestayaasha ah iyo madaxwyne Muse Biixi oo qaaday talaabo uu ku soo celinayo deeganada Somaliland ka maqan waa talaabo hor mar leh” ayuu yiri Faysal cali warabe

Waxa uu siyaasigaan reer Somaliland xusay in ay jiraan qorshayaal Puntland iyo dolwada Somalya iska kaashanayaan oo ku aadan gobolada Sool iyo Sanaag waxa uuna soo hadal qaaday madaxweyne Farmaajo iyo wasiirka qorsheynta Somalila.

”Ma jirto cid qaadan karta dhul Somaliland ah si waliba oo la isu baheysto ” ayuu sii raaciyay Faysla cali warabe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.