Home Afsomali VIDEO Gabar Askari ciidanka puntland ka tirsanaa uu wajiga iyo Xubinta taranka...

VIDEO Gabar Askari ciidanka puntland ka tirsanaa uu wajiga iyo Xubinta taranka xabad kaga dhuftay oo Muqdisho la geeyey iyo xildhibaano ka hadlay

https://youtu.be/O0Y9Fzhw0sM

Ehelada Faa’iso Cabdi Xaye oo ah Gabadh 15-Sanno jir ah ayaa sheegay in gabadhooda uu nin lagu magacaabo Cabdiqaadir Warsame Ahmed (Sanka)  oo ka tirsan  Ciidamada Puntland 27 October 2017 uu isku da’yay in uu ku kufsado magaalada Bosaaso oo aan ahayn deegaanka rasmiga ah ee Faaiso.

Kadib isku day difaac nafteeda ah oo ay samaysay Faaiso Cabdiqaadir wuxuu xubinta taranka kaga dhuftay Xabad, Halka uu Wejiga uga dhaawacay Baastoolada,  Waxayna taasi sababay in dhaawac xun oo Faa’isa ka soo gaadhay qaybta Hoose ee Jidhka iyo xubinta taranka.

Gabadhan yar oo Xaalad khatar ah ku jirta waxaa loo soo qaaday Magaaladda Muqdishu si ay daryeel caafimaad u hesho, Waxaana Xaaladeeda ka hadlay Waalidka dhalay iyo Xildhibaano ka tirsan Dawladda.

dhanka youtube a  ttps://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.