Home Afsomali VIDEO Ganacsato Soomaaliyeed oo cadaysay in Cabdi Xoosh ashkir dhul u leeyahay...

VIDEO Ganacsato Soomaaliyeed oo cadaysay in Cabdi Xoosh ashkir dhul u leeyahay aysan ka haysan (DAAWO SAWIRADA )

iney horay u iibsatay dhulkii Ex-Xoosh Compound ee magaalada Muqdisho ayaa ka jawaabay kana horyimid eedeyn loo jeediyey kuwaasoo dhowaan Saxaafada lagu daabacay kuwana laga baahiyey.

Kulan maanta Muqdisho ay isugu yimaadeen Ganacsatadan ayaa waxay sheegeen iney dhulka ka iibsadeen Cabdi Xoosh ayna diyaar u yihiin wax kasta oo lagu qaban karo xal in laga gaaro Beenta laga faafiyey Ganacasatadan.

Milkiilihii horay u lahaa dhulkan ee Cabdi Xoosh waxa uu iska iibiyay 2008-dii Waxaana Dubai lagu qabtay munaasabad lagu shaacinayo in gabi ahaan dhulkaas uu ka wareegay isla markaana ay goobjoog ka ahayd qunsuliyada soomaaliya ee Dubai.

Kulanka Waxaa ka hadlay Xasan sheekh Cabdalla (Gacma Dheere) oo ku hadlay Codka Shirkadda Rowda oo horay u iibsatay dhulkan eedeyntiisu dhowaan ay soo ifbaxday, waxaana uu sheegay isla markaana cadeeyay in ganacsatadan ay yihiin kuwa saxda ah ee dhulkan leh Cabdi Xooshna uusan wax dhul ah ku lahayn.

‘’Waxaan Cadeynayaa in dhulkan 2008-dii ay ganacsatadani gateen oo wixii lagu sheegaahi ay yihiin Dulmi cad, waxaan dhowr jeer kala dhexgalnay dhul horay Cabdi Xoosh looga gatay oo uu Mar kale sheegtay Waqtigii Dulmiga ayaa hadda dhamaaday dhulkan ganacsadatan ayaa leh’’ waxaa sidaas yiri Xasan sheekh Cabdalla oo ku Hadlay Codka Shirka AlRowda.

Dhanka kale Salaad Cimi Axmed oo wakiil u ahaa C/rashiid isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in Qorshahaan dhulka muranka lagu galinayo uu yahay Mid dhibaatadiisa wata waxaana uu yiri waxaa fiican in ganacsatadaan aan sharaftooda la wax yeeleyn ‘’Waxaan Hubaa oo aan Sheegayaa in Dadkan markii dhulka lagala Hadlay la dulmiyey Waxaan ku Talinayaa in Mugdigaas Maanta ay ugu Dambayso iyo Tuhunka dhulkan lagu sheego halaga joogo in Ganacsadaan la Jaa’ifeeyo’’ ayuu yiri Salaad Cilmi Axmed.

 

Cilmi Geedi oo ku Hadlayey Magaca Ganacsade Axmed Nuur Axmed Jimcaale oo kamid ah ganacsatada s dhulka hada iska leh Waxa uu sheegay in Dullmi Cad dhulkooda lagu faragalinayo oo Hadalada Saxaafada loo sheegay ay yihiin kuwa lagu sumcad dilayo ganacsatadan.

‘’Waxaan la yaabay qof weyn oo inta dhul gatay Hadana dhahaya waa ley dhacay, Waxaan leeyahay yaan lagu dayan dadka jecel iney ganacsatada iyo dadka sharfan Ceebeeyaan dhulka inagaa leh waxaan og dhamaan howshan intii la socotay.” Sidoo kale waxa uu baaq u diray hay’adaha garsoorka in ay wax ka qabtaan gardarada Cabdi Xoosh ee uu ugu soo laabanayo dhulalka uu gatay.

Ugu dambeyn waxaa kulanka lagu soo bandhigay muuqaal laga Soo duubay milkiilihii hore ee dhulkan Cabdi Xoosh waxaana uu si cad u sheegay in milkiyada dhulkaas uu wareejiyay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.