Home Afsomali VIDEO ganaraal Zakiya oo macsalaameysay Gabadhii Baxsadka aheyd lana kulantay ka hor...

VIDEO ganaraal Zakiya oo macsalaameysay Gabadhii Baxsadka aheyd lana kulantay ka hor inta aan loo qaadin danmark

Amaal ayaa ah gabar baxsad ka ah reerkeeda oo raadinayey muddo laba bilood ah, kadib markii ay ka baxsatay xarun lagu dhaqan celinaayey oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Gen. Zakiya ayaa muuqaalkan su’aallo ku weydiinaysa gabadhan oo sheegtay in mudadii ay ka maqneyd reerkeeda ay la joogtay asxaabteeda wax dhibana aysan arag, haaranna ay dooneyso in lagu celiyo dalkii ay ka heysatay dhalashadeeda labaad ee Denmark.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Xijaar oo maalmo ka hor warbahinta kula hadalay Muqdisho ayaa sheegay in gabadhaas ay hayaan, isla markaana ay gacan amaan ah ku jirto.

Xilliga ay wareysanaysay Jeneraal Zakiya gabadhan waxaa garab fadhiyey safiirka Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen, oo sida la sheegay inay wado gabadhan darteed uga soo duushay magaalada Nairobi oo fadhi u ah safaaradda dowladda Denmark u qaabilsan Soomaaliya.

Galabkii Arbacada ayaa gabadhan lagu magacaabo Amaal Nuur Cusmaan laga dhoofiyey garoonka Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo aan lala kulansiin waalidkeed oo raadinayey mudo laba bilood ah, taas oo wal-wal iyo walbahaar ku abuurtay ehelka gabadhan oo ay ugu horeyso hooyadeed Amran Xalane, taas oo horay warbaahinta uga soo muuqatay iyada oo u oyneysa aragtida gabadheeda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.