Home Afsomali VIDEO Golaha nabadeynta Beelaha Soomaaliya oo Muqdisho looga Dhawaaqay Xafiisna ka...

VIDEO Golaha nabadeynta Beelaha Soomaaliya oo Muqdisho looga Dhawaaqay Xafiisna ka furtay

kulan looga hadlayo nabadeynta beelaha soomaaliyeed oo maanta ka qabsoomay magalada muqdisho

kulankan oo uu soo qaban qaabiyay Golaha Nabadeynta Beelaha Soomaliyeed ayaa diirada lagu saaray sidii looga shaqeyn laha nabadaynta beelaha soomaaliyeed waxaana isugu yimid qaar ka mid ah Waxgaradka Magalada Muqdisho.

waxaana madasha ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka kulanka kasoo qeyb galay iyagoo oo ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay leedahay nabad kuwada noolaashiyaha oo ay sheegen in loo baahan yahay in qof waliba uu ka shaqeyo Xasiloonida dalka Soomaaliya,

waxgaradka kulanka ka hadalay aya waxa ay farta ku fiiqeen in nadaba dalka ay tahay waajib cid walba saaran hadaladoodina waxaa ka mid aha  Gabagabada kulanka ayaa waxaa hadalka qaatay Gudomiyaha golaha nabadeynta beelaha soomaliyed Suldaan Cali Suldaan Axmed Nuur waxaana ugu horeyn uu baaq ka diray colaad beeleedyada kusoo laalabtay degaano ka tirsan Gobolka shabellaha Hoose beelaha walalaha ah ee degaanadasi isku haaya ayuu ugu dardaarmay inay nabada ka shaqeyaan ilaaliyaana deris wanaga.

Gudooiyaha Golaha Nabadeynta Beelaha soomaaliyed ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan safaro ay ku tagi doonaan qaar ka mid ah gobolada dalka soomaaliya hiigsigana uu yahay Midnimo iyo isku duubni soomaaliyed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.