Home Afsomali VIDEO Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka iyo RW Cali Maxamed Geedi oo...

VIDEO Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka iyo RW Cali Maxamed Geedi oo Muqdisho kulan adag ku yeeshay

Kulan ay wada qaateen Xubnaha Gudiga dib u heshiisiinta qaran iyo Raiisal wasaarihoo hore ee Somaliya Cali Maxamed Geedi ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana ay ka wada hadleen waxqabadkii shaqo ee gudiga

Raiisal wasarihooo hore ee Dowladii KMG aheyd  Prof Cali maxamed Geedi ayaa warbixino ka dhageystay Gudoomiyaha Gudiga dib u heshiisiinta waran  Ismaaaciil Macalin Muuse IYO Xooghaaye Siid Cali Cabdi waxeyna si qayaxan u sheegeen in ay sameeyeen noocyo kala

duwan oo dib u heshiisiineyd waxayna gudoonsiiyeen dhamaan macluumaadkii  ay soo aruuriyeen intii uu gudigu jirey

Prof Cali Maxamed Geedi Raiisal wasaarihii hore Somaliya ayaa mahadcelin ka dib beesha caalamka iyo Dowlada Somaliya ugu baaqay in ay la shaqeeyeen gudiga dib u heshiisiinta

si ay u gutaan waajibaadka qaran ee horyaal

Waxaa Magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaalliya Cali Maxamed Geedi iyo Guddiga Dib u Heshiisiinta Qaranka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa wadatashi ku aadan sidii dalka looga hirgalin lahaa hanaanka dib u heshiisiinta Qaranka oo la dhexdhigo shacabka Soomaaliyeed qaarkood oo dirir ay ka dhaxeyso.

Gudoomiyaha Gudiga Dibu Hishiisiinta Qaranka Soomaaliyeed Ismaaciil Macalin Muuse ayaa waxa uu sheegay in degaano hoosyimaada Gobalada Gal-Gaduud iyo Shabeelaha Hoose ay ugu dambeysay meelaha ay ka dhaceen dagaalada.

Waxa uu sheegay in degaanada qaar oo hoosyimaada gobalka Shabeelaha Hoose ay ilaa iyo iminka  ka tagan yihiin xaalado dagaal.

Cali Maxamed Geedi Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay in Soomaaliya ay ka dhacdo Dib u heshiisiin Qaran oo loo wada dhan yahay.

Waxa uu sheegay in hadii dadka Soomaaliyeed ay iyaga dhexdooda heshiiyaan dhamaanayso dhibaatada.

Gudiga Dib u Heshiisiinta Qaranka ayaa waday tan iyo markii la dhisay dadaalo ku aadan daminta dagaal beeleedyada ka dhaca Soomaaliya.

Gudigaan dib u heshiisiinta Qaran waxaa la dhisay shirkii Imbagati wuxuuna idb u heshiisii ka qabtay tan iyo intii u dhisnaay goobo badan oo ay colaad iyo is qabqabsi ka aloosnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.