Home Afsomali VIDEO Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka DJabouti iyo Wafdigiisii oo Muqdisho ka duuley ...

VIDEO Gudoomiyaha Baarlamaanka dalka DJabouti iyo Wafdigiisii oo Muqdisho ka duuley ( DAAWO SAWIRADA _

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo Maalmahan kusugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta ka amba baxay Garoonka Diyaaraha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka sii sagootiyay Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud.

Maxamed Cali Xumud ayaa inta uu ku guda jiray Socdaalkiisa Somalia ee Khamiistii uu ku yimid waxa uu Jimcihii booqday Magaalada Baladweyne, Sabtidii waxa uu khudbad ka jeediyay Xarunta Golaha Shacabka .

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha caalamaiga ah ee Aadan Cadde  kusii sagootiyay kusimaha madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ahna Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane C/wali Sheekh Ibraahim Muudey iyo sidoo kale xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka.

Ka hor inta aysan wafdigan ka ambabixin garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho ayaa waxa ay la hadleen Warbaahinta, waxaana Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Qaranka ee Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xumad uu sheegay in uu ku faraxsanyahay soo dhoweynta ay u sameeyeen shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxdooda Isagoo sheegay in muddadii dalka ay joogeen ay arkeen horumarka dowladnimo oo uu dalka ku talaabsanaayo.

Ku simana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “jawaari” ayaa u sheegay wafdigan in dalka Soomaaliya uu yahay wadankooda oo aysan marti ku aheyn islamarkaana wada shaqeynta walaaltinimada ku dhisan ee labada baarlamaan ay mar walba joogto ahaan doonto.

Wafdigan oo todobaadkii la soo dhaafay booqasho rasmi ah dalka ku joogay ayaa intii  ay joogeen kulamo la qaatay madaxda dalka iyagoo shalay heshiis iskaashi la saxiixday Labada aqal ee Baarlamaanka Dalka.

Ugu dambeyn Gudoonka Aqalka Sare iyo Maamulka Gobolka Banaadir waxa ay Muqdisho ugu sameeyeen Wafdigaasi Munaasabado soo dhoweyn Casho Sharaf ah,Maanta oo Talaado ahna waxa uu soo gaba-gabeeyay Socdaakiisa uu ku joogay Soomaaliya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.