Kulankaan oo ahaa mid sare loogu qaadayay barashada Waxkasta oo amaanka qalqal galinkara si aqoon durugsan ay u yeeshaan dadyoqga ku kala nool Dagmooyinka Gobolka Banaadir .
waxaana ka soo qeybgalay Gudoomiyaha gobolka Banadir gudoomiyaha dagmada xamane weyne iyo gudoomiyeyaasha 7 da dagmo ee uu dhamaaday Tababarka lagu baranayey mashruuca Dariseynta iyo furida wadooyinka xildhibaano saraakiil iyo dadweyne kale oo aad u fara badan,Gudoomiyaha Maamulka Gobolka banadaadir ayaa warbixino ka dhageystay ka qeybgalayasha iyo madaxda dagmooyinka kuwaas oo hodhigay sulaalo la xariira amaanka waxayna sidoo kale u gudbiyeen cabashooyinkii ay qabeen hase yeeshee Midkoodna sulaalihii uguma jawaabin.
gudoomiye taabid ayaa si qoto dheer uga hadlay mashruca deriseynta ,isu furida wadooyinka amniga u xiran dhibaatooyinka bulaacadaha waajibka saaran cid kasta oo masuul dowladeed ah.
dhanka kale gudoomiyaha dagmada xamar weyne Cumar shariif jeeg oo shir jaraid qabtay ayaa sheegay in dagmada xamar weyne xaaladahed nololeyd uu yahay mid la isku haleyn karo.
Dagmada xamar weyne ayaa shirkaan ku marti galisay 809 qof oo kala socday ilaa 7 dagmo
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0