Home Afsomali VIDEO Haween dalbaday in la Toogto ama Beesha Caalamku magangalyo siiso

VIDEO Haween dalbaday in la Toogto ama Beesha Caalamku magangalyo siiso

Xal aan ruqsad aheyn ma loo waayey Haweenka seerjito ee aduunyada ka dalbaday magangalyada

Ka dib markii dowladu haween ka tirsanaa ciidamada seerjoto ay shaqadii ka ruqsaysay ayaa waxaa baaqyo cabasho ah soo saaray gabdhihii ay saameynta ku yeelatay shaqo ka fadhiisintaasi

Gabdhahaan oo da.kasta iyo darajo kasta leh ayaa dowladu go.aan ka qaadatay in aysan ka sii mid ahaaneynin ciidamada xooga dalka soomaaliyed kuwaa oo loo sheegay in gabi ahaanba laga rugseyey ciidanka seerjito .

haweenka ayaa banaanbax nabadeed ay ku cabirayeen rayigooda ku aadan sida ay uga xun yihiin in laga horjoogsado shaqadooda ka sameeyey qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho .

Qaar ka mid ah haweenka ciidamada laga ruqseeyey oo saxaafada la hadlay ayaa si caro leh dowlada uga dalbaday in ay toogato ama beesha caalamku siiso magangalyo siyaasadeed

 

 

 

 

 

Gabdhaha ciidanka xooga oo ka hadlay isu soo baxaya ayaa faahfaahiyey xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin ,waxayna baaqyo kala duwan iyo codsi u kala direen madaxda dowlada hey.adaha amniga qaramada midoobay iyo beesha caalamka waxaana ka mid ahaa hadaladoodii sidaan.

Shaqa ka eryida haweenka ayaa waxaa ay gaar u tahay ciidanka xooga dalka oo kaliya waxayna sheegeen in Magacyadooda qasnada dowlada Weli Mushaarkoodii looga  qato

Burburkii Ciidanka xooga dalka soo garay 1991dii ayaa sal dhig u Noqday in ay Burburto dowladii dhexe ee dalka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.