Home Afsomali VIDEO iyo Dhageysi Dhac dad ban Puntland oo dooneyso in shacabku isticmaalaan...

VIDEO iyo Dhageysi Dhac dad ban Puntland oo dooneyso in shacabku isticmaalaan lacago been abuur ah

https://www.facebook.com/www.somalisan.net/videos/1419451308067085/

Ganacsatada Magalada Boosaaso ee Gobolka Barri ayaa sheegaya in Maamulka Puntland uu mas’uul ka yahay lacago been abuur ah oo lagu sameeyo Magaalada Boosaaso.

C/llahi Jaamac oo kamid ah Ganacsatad Magaladaas ayaa wareysi uu siiyay somalisan.com  waxa uu ku sheegay in lacagtaas lagu sameeyo Boosaaso uu maamulka  doono in lagu isticmaalo deeganada Puntland,Balse lacagta ay tahay mid Feelsa ah.

Waxa uu sheegay in dibadbaxyada ka socda Magaalooyinka Puntland ay salka ku hayaan lacagaha lasoo daabacayo,iyo sicir bararka ay suuqa ka abuurtay.

Maamulka Puntland ayaa si kulul uga hadlay dhibaatadda Ganacsatadda Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ay ku hayaan dadka Shacabka ah ee ku aadan kala soocida Lacagta Shilinka Soomaalida oo qaarkod lagu sameeyey Magaalooyinka garawe iyo Boosaaso .

Cabdiqafaar Sh Axmed oo ah Xoghayaha Dowladda Hoose ee Garowe ayaa sheegay  in ay tilaabo adag ay ka qaadi doonaan dadka diidan Lacagta Shilinka Soomaaliga ee ku sugan Magaalada Garowe.

Waxaa uu sheegay sidoo kale in ay la xisaabtami doonaan gacantana ay ku dhigeen dadka Sameynaya Lacagaha been Abuurka ah ee lagu qasan degaanada maamulada Galmudug iyo Puntland.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.