Home Afsomali VIDEO iyo Sawiro Ka qeybqaado dhismaha masaajidka si 2 dabaq ama sadax...

VIDEO iyo Sawiro Ka qeybqaado dhismaha masaajidka si 2 dabaq ama sadax dabaq la gaarsiiyo adne aad u hesho ajirkiisa

 

 

 

Gudiga dhismaha masaajidka imaamul dahabi ee ku yaal xaafada raadeerka ee dagmada dayniile wuxuu bulshada somaliyeed ku war galinayaa in la bilaabay dhismaha saajidka ayna cid kasta u banaantahay in ay wax uun ku darsadaan .

Munaasibad balaaran oo lagu qeybtay xarunta masjidka ee xaafada raadeerka ayaa waxaa ka soo qeybgalay culumaaudiin waxgaradka ganasato iyo bulshada qeybaheeda kala duwan waxayna ka soo saareen qaabka ugu haboon ee looga qeybqaadan karo dhismaha masjidka iyo dhameystirkiisa .

Sheikh ibraahim Maxamuud jiisow oo ku hadlayey Magaca qoyska  dhulka waqfay ama hibeeyey  ayaa faahfaahiyey ujeedka iyo faaiidada ay leedahay in laga qeybqaato dhismo masaajid dalka iyo dibadaba wuxuuna ugu baaqay dhamaan bulshadu ka qeybqaataan dhismaha masaajidka  .

Sheikh Maxamuud Owcabdulle cariif oo ayaa bulshada ku booriyey in ay u dagdagaan sare u qaadida dhismayaasha masaajidada iyo xasanaadka ay leedahay wuxuuna sidoo kale soo bandhigay tirsiga nambarada lagala xariiri karo .

Sheikh wuxuu ugu baaqay dhamaan bulsho weynta soomaaliyeed in ay ka qeybqaataan .

Sadax ayaa nabigu NNKH uu dhaar ku maray oo kala ah

“hal xaafad iyo shaqsi midna ma dhisi karaan ee u tartama kheyraadka oo dhisa masaajidada “

Wuxuuna  u rajeyeeyey in ay guul ku dhamaan doonto dhismaha masaajidka imaamu dahabi ee raadeerka oo dhulkiisa ay bixiyeen reer Maxamuud Jiisow

Imaamka masaajid Macalin Ciise Cabdulle raage ayaa xusay baahida ay u qabeen balaarinta masaajidka oo jameeca cariiri ku noqday uuna aad ugu faraxsan yahay in  bulshadu iska kaashato dhismihiisa

Masjidka ayaa la rejeynayaa in ay ku cibaadeystaan dad aan weli dhalan sida uu inoo sharaxayo mid ka mid ah culumada deegaanka

Maalkaaga runta waa midka aad sidaqeysato midka lagaa dhaxlayana waa midka aad dib u dhigato

Qofku haduu dhinto camalkiisu waa go.ayaa iyo sadax ayaa raacda meydkiisa ehelkiisa iyo asxaabtiisu wey ka soo laabtaan macalkiisa ayaa ku hara waxaa ka mid ah qofkii sadaqo jaariya ah la baxay sida dhsida masaajidada oo ilaah yiri qofkii masaajid dhisa janada ayaan guri uga dhisayaa marka xabaasha la galiyo balse waxaa raaca camalkiisa qofkii wanaag sameeya ilaah wuxuu ugu badalayaa 10 laabkeed

Banki salaama 32807254  talephon nambar EVC Plaz 0613959994

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.