Home Afsomali VIDEO Jaakad ay ku xiran yihiin daare nambar 8 iyo qarxiye Moove...

VIDEO Jaakad ay ku xiran yihiin daare nambar 8 iyo qarxiye Moove 2 oo lagu qabtay 3 wiil oo dhalinyaro ah

Jaakada garabka laga qarxiyo iyo qalabka dhameystiran oo lagu qabtay dagmada afgooye ee Gobolka SH/hoose

Ciidamada ayaa bar control ay jidgooye u taalay Raqayga ku qabteen baaritaan ka dib ilaa 3 wiil oo dhalinyaro ah kuwaas oo watay Mooto Qaraxyo ku raran yihiin waxayna sheegeen in mid uu dhex ka soo raacay alaaba watay.

Wiilka waay alaabada ayaa sheegay in ninkii u soo dhiibay uusan garaneyn halka uu ugu hagaagayo waxayna Mootadu nooceedu ahaa nooca yar yarta ah ee loo yaqaano Dhugdhugleyda

Waxaana saarnaa walxaha Qarxa oo ay ka mid ahaayeen Jaakado ay Qaraxyo ku xiranyihiin oo ah kuwa ay adeegsadaan dadka is qarxinaya iyo agabyo kale oo halistooda leh .

Saraakiisha ciidamada NISA ayaa Warbaahinta u sheegay in weli gacanta lagu hayo Mootadii iyo ragii la socday, waxa ayna sidoo kale sheegeen inay baaritaano kuwadaan ragani.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?sort=dd&shelf_id=0&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.